Madaxweynihii Algeria oo is casilay+VIDEO

1701

Madaxweynihii Algeria Abdiaziz Bouteflika ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Madaxweynenimo oo uu soo hayay 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Sida uu shaaciyay TV-ga dowladda Bouteflika ayaa isaga haray doorashada madaxtinimo ee la filayo iney dhacdo 28-ka bishan April, isagoo hore u shaaciyay inuu doonayo inuu xilka qabto markiisii 5-aad.

Magaalooyinka waa weyn ee dalka Algeria waxaa durba is qabasaday banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayeen dadka diidanaa inuu xukunka sii hayo 82 sano jirkan ah muddooyinkan fagaarayaasha aan ka soo muuqan, kaasoo ku socda gawaarida dadka lixaadkooda aan dhameystirneyn.

Go’aankan waxa uu daba socdaa todobaadyo mudaharaadyo waaweyn oo qaarkood ay rabshado wateen oo lagu doonayay inuu tartanka isaga haro madaxweynaha, iyadoo Taliyaha Guud ee Ciidanka ALgeria hore u sheegay in Odaygan uusan xafiiska sii fadhin karin.

Abidaziz Bouteflika ayaa Algeria hogaaminaayay tan iyo 1991 ayaa laga dayrinayay waayadanba xaaladiis caafmaad oo dhaqaatiir wadankaasi in mudaa la tacaalayeen xaaladiisa Caafmaad.