Madaxweynihii hore ee Galmudug oo Hargeysa tagay

1860

Ilo-wareed ayaa sheegaya inuu Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” uu socdaal ku joogay magaalladda Hargeysa ee Maamulka Somaliland.

Xaaf ayaa la sheegay inuu socdaal dhulka ah ku tegay Hargeysa, isagoo ka soo baxay Gaalkacyo, siin maray Gobalka Sool oo uu uga sii gudbay Hargeysa.

Ma cadda ujeedada rasmiga ee Socdaalka uu ku tegay Hargeysa, inkastoo uu Axmed Ducaale Xaaf yahay Ganacsade caan ka ah Geeska Afrika oo hawlgalo Ganacsi ballaaran ku leh, oo ay ku jirto Somaliland.

Xaaf ayaa ahaa ganacsade intuusan noqon madaxweynaha waxa uu marar badan sidaan u yimid mar uu ka so laabtay Dubia isagoo ah Madaxweynaha Galmudug waxy diyaaradaha ku kala badashay Hargeysa isagoo kadib yimid Cadaado oo saldhig u aheyd maamulkiisa.