Magaca qofkii kadambeeyay qaraxii Nashville oo lashaaciyay +SAWIRRO

1410

Booliiska dalka Mareykanka oo adeegsanaya maadada DNA ayaa shaaciyay magaca qof looga shakisan yahay in uu ka danbeeyay qaraxii cuslaa ee maalin ka hor ka dhacay magaalada Nashville

Qofkan ayaa qaraxa u adeegsaday gaari xamuul ah waxaana ay Booliisku sheegeen in ay ku dhaawacmeen ilaa saddex ruux.

Anthony Quinn Warner oo ah 63 sano jir ayeey sheegeen Booliisku in uu yahay qofka la tuhusan yahay, mana sheegin baaritaanku in ay jiraan tuhumanayaal kale oo dheeraad ah oo ku lug lahaa qaraxan

Qaraxa auaa la dhacay ilinka hore xafiiska isgaarsiinta magaalada Nashville waxaana uu qalqal ku keenay isgaarsiintii ilaa afar gobol.

Wali waxaa soconaya baaritaan arintan la xiriira inkastoo war bixintan ay soo saareen booliisku tahay mid hor dhac ah.