Man City Iyo Leeds Oo Bar-bar Dhac Ku Hishiiyay +SAWIRRO

1631

Man City iyo Leeds ayaa ku hishiiyay bar bar dhac min hal gool ah ka dib ciyaar adkeyd .

Man City iyo Leeds United ayaa nasiinada ku aaday hal gool oo ay laheyd kooxda Pep kuwaais oo aad u wacnaa qeybtaas hore waxaana daqiiqadii 17-aad u dhaliyay Raheem .

Sidaas oo ay tahay , Leeds waa ay ku dhiiranayeen in kubadda la qeybsadaan City waliba waxa ay daafac ahaan ahaayeen kuwo wacan.

City si wacan uguma aysan faa`ideysan kubadda ay ku badnaayeen waxa ayna ka sheeganayeen in go`aanada u qadnayeen qaab deg deg ah .

Biloowgii qeybta labaad , Leeds ciyaarta xaadir ayay ahaayeen waliba goolhayaha City ayaa hor taagnaa oo is badel ayay sameeyeen xilli dhowr fursad laga bad baadiyay.

City waa ay u nuglaayeen goolka bar bar dhaca illaa lagu keenay ka dib qalad ka dhacay goolhayahooda oo kubad koorno aheyd ay ka baxsatay in uu qabto iyadoo ay ka fara baxsatay ka dib Rodrigo oo badal ku soo galay daqiiqadii 56-aad ayaa shabaqaa dhigay daqiiqadii 59-aad

Ka dib dhacadadaas , City isku dayo kala duwan ayay sameynayeen waxa ayna daqiiqaddii 65-aad soo giliyeen Bernardo Silva oo loo saaray Ferran Torres

City daqiiqadii 69-aad gool cajiib noqon lahaa waxaa si dirqi ah koorno ugu saaray goolhayahooda , waxaana muuqaneysay in City daafac ahaan ay jireen daldaloolo xooggan .

City daqiiqadii 71-aad fursad xaqiiq ah waxaa ka qasaariyay Raheem oo kubad gool loo turjumi karay ula tagay goolhayaha Leeds , xilli tababre Pep daqiiqadii 72-aad uu soo giliyay Nathan Ake oo loo saaray Benjamin Mendy sidoo kale daqiiqadii 77-aad waxa ay City soo giliyeen Fernandinho oo loo saaray Riyad Mahrez .

ka dib badaladaas City kubadda wa ay la wareegeen kaliya gool ayaa ka maqnaa xilli Leeds ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogal celiska ah waiba waa y ku halis gilinayeen Man city

Dhamaadkii City si waliba ayay u dagaalameen balse nasiibka ayaa diiday waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhacaas.