Man City Oo Guul Cariiri Ah Ka Soo Gaartay Leicester City +SAWIRRO

2044

Sheekada Labada Qeyb: Leicester City iyo Man City ayaa nasiinada ku aaday bar bard hac bilaa goolal ah waxa ayna wada ciyaarayeen kulan ka tirsanaa wareegga 27-aad ee horyaalka Ingiriiska

Biloowgii , labada koox ciyaarta waa u furneyd inkastoo ka dib ay ku badneyd Man City balse halis gilin ma jirrin , xilli Leicester City ay ku sigteen gool ay kaga naxsadaan Man City balse birta ayay ku dhacday daqiiqaddii 7-aad waxaana sidaas sameeyay Vardy ka dib kubad rogaal celis aheyd .

City iyana daqiiqaddii 8-aad ayay ku sigteen waxaana laga bad baadiyay Riyad kaasi oo kubad ku xooggan ku laaday goosha Leicester City, waxa ayna inta badan kubadda cagteeda ku jirtay Man Cuty xilli Leicester City ku tiirsanaayen kubadaha rogaal celiska ah.

City fursado ayay helayeen balse si sax ah ugama aysan faa`ideysaneyn iyaga ayaana ku sareeyay maamulka kubadda xilli Leicester City iyana mararka qaar ay ahaayeen halis iyaga oo ku tiirsanaa kubadaha rogaal celiska ah .

Soo laabashadii , biloowga ayay Leicester City u dhawaayeen gool ay dhaliyaan balse goolhayaha Man City aya foojignaa , wax a ayna City u baahnaayeen xal ay u helaan in ay ka faa`ideystaan kubadaha ay ku badnaayeen xili daqiiqadii 56-aad City laga bad baadiyay kubad xaqiiq aheyd .

Man City waxa ay daqiiqaddii 58-aad soo giliyeen Nicolas Otamendi oo loo saaray Aymeric Laporte iyaga ayaa ku badnaa maamulka , waxa ayna heleen rigoore ka dib kubad uu laadya Gundogan oo gacanta kaga dhacday xididg Leicester City , waxana laaday oo laag bad baadiyay Aguero daqiiqadii 62-aad.

Sidaas oo ay tahay Leicester City , waxa ay ciyaarayeen kubad kalsooni leh waa ayna ku dhiiranayeen weeraro ay ku qaadaan shabaqa Man City balse daafac ayaa hor taagnaa

Leicester City waxa ya ku fiicnaayeen dhanka daafaca , waxa ayna sameynayeen isku dayo gool dhalin, kaliya deg deg ayaa ka muuqday waa ayna soo gaarayeen aagga goosha Man city

Man City si xal gool dhallin ah u keenaan waxa ay saareen Aguero iyaga oo daqiiqaddii 77-aad la soo giliyay Jesus waxa uuna laacibka sameynayeen isku dayo xilli durab uu soo taabtay shabaqa ka dib kubad uu soo jiiday Riyad ayaa loo baasay waana uu dhaliyay daqiiqadii 80-aad

Ka dib dhacdadaas, kooxda martida loo ahaa waxaa ku adkaa in kubadda horay u soo jiidaan xilli City gool labaad laga filan karay , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay halkaa sgool ee ay City ku badisay.