Man City Oo Iska Xaadirisay Wareegga 8-da Champion-ka+SAWIRRO

1543

Man City ayaa iska xaadrisay wareegga 8-da Champion-ka ka dib markii ay guul ay ka gaareen kooxda Borussia Moenchengladbach oo ay horay u soo garaaceen lugtii hore ee Jarmalka , waxa ayna uga talaabsadeen laab gool oo nadiif ah oo isu geynta labada kulan ka dhigeysa 4 gool.

City guud ahaan iyaga ayaa ku sareeyay maamulka kubadda waxaana kooxda Jarmalka ku adkaa in kubad saxan ay gaarsiiyaan aagga goosha kooxda Etihad kuwaas oo ciyaar dar dar leh ciyaarayay .

City goolal intaas ka bada ayay ku badin lahaayeen haddii uusan ahaan laheyn goolhayaha Borussia Moenchengladbach oo City ka bad baadiyay fursado xaqiiq ahaa .

Herka kubad haysashada City waxa aay gaareysay heer dhan %67 waxa ayna goolasha dhaliyeen daqiiqadihii 13-aad iyo 18-aad waxaana kala saxiixay De Bruyne iyo Gunddogan waxa ayna City badalada ugu horeeyay sameeyeen daqiiqaddii 67-aad iyaga oo soo giliyay Fernandinho iyo Zinchenko oo loo saaray Rodri iyo Cancelo halka 70-kii ay soo giliyeen Raheem , Dias oo loo saaray Gundogan , Laporte xilli uu ku xigay Aguero oo soo galay daqiiqadiii 5-kii

Inkastoo qeybta labaad , City aysan sameyn halis gillin muuqata hadana kubadda waa ay kaga sareeyeen kooxda reer Jarmal kuwaasi oo ka sheegnayay afka hore waliba u nuglaa goolal dheeraad ah .

City iyadoo tartankaan la joogo waxa ay kooxdaan reer Jarmal garaaceen 5 jeer halka kulann ay galee bar bar dhac wax ayana ugu yaraan kulan wlaiab ka dhalinayeen laba gool.

Kooxda reer Jarmal waxaa ka maqnaa cadaadiska kaliyana wax aya ku jireen is difaacid waxaana ciyaarat loogu dhameeyay labadaas gool ee ay City isaga xaadiriyeen wareeggga 8-da Champion-ka.