Man City Oo Ku Bar-baratay Leicester City+SAWIRRO

2432

Man City ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Leicester City oo marti ugu aheyd kulan ka tirsan wareegga 18-aad ee horyaalka Ingiriiska , waxa ayna uga talaabsadeen 3/1 xilli nasiinada lagu aaday 2/1.

Man City ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Leicester City 2/1 waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 18-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Man City guud ahaan iyaga ayaa kubadda maamulayay waliba cadaadis aanla joogsi laheyn ayay saaren kooxda Leicester City.

Dhan waliba City ayaa ka wacneyd kulankaan waxa ayna in badan sigayeen shabaqa .

Leicester City illaa markii dambe hal fursad oo rogaal celis ah lagu helay kaasi oo uu Jamie Vardy u badalay gool daqiiqaddii 22-aad waxaana lahaa qaladkaas Fernandinho .

City waxa ay soo bandhigeen ciyaar xaraarad leh kaliya goolka ayaa ka maqnaa waxaana dadaal dheeraad ah waday Riyad kaasi oo ugu dambeyn gool laad ah dhaliyay daqiiqaddii 30-aad .

Ka dib City fursado xaqiiq ahaa ayay iska qasarinayeen waxaana u sabab ahaa Raheem xilli goolhayaha Leicester City-na dadaal dheeraad ah bixinayay .

Dadaalkii City waxa ay ku heleen gool rigoore ah ka dib qalad lagu galay Raheem waxaana dhaliyay Ilkay Gundoga daqiiqadii 43-aad,.

Qeybta labaad , Leicester City waxa ay isku dayaysay in ay kubadda ay la qeybsadaan Man City balse sidaas oo ay tahay kooxda Pep waxa ay u nuglayeen gool sedexaad .

Riyad Mehrez waxa uu kulankaan uu muujiyay in uu mudan yahay boos joogto , dadaal aan kala joogsi laheyn ayuu waday xittaa shaqada daafaca waa uu qabanayay.

Marka la eego fursadaha ay City abuurayeen waxa ay mudnaayeen gool sedexaad kaasi oo ugu dambeyn yimid waxaana dhaliyay Jesues ka dib baas sixir ahaa oo ka ka helay Kevin De Bruyne. , waxa ayna ka dib ciyaarta noqotay mid hal dhinac .

City ayaa soo bandhigtay ciyaar isu dheeli tiran waliab aheyd deg deg , waxa ayna kubadooda ka socotay garbaha xilli guud ahaan ay ku dhamatay natiijada ciyaarta 3/1
City ayaa guushaas ku heshay 38 iyo booska labaad halka Leicester City ay ku istaageen 39 dhibic .