Man City Oo Ku Soo Laabatay Wadada Guusha , Chelsea Ayay Ka Taqaluseen Ka Dib Ciyaar Xaraarad Laheyd

1836

Man City ayaa Chelsea nasiinada ugu dirtay natiijo dhan 2/1 waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 13-aad ee horyaalka Ingiiiska iyadoo la joogay qalcadda Etihad .

City ayaa biloowgii ku biloowday dar dar baasas cajib ah waxa ayna biloowgii ku dhawaanayeen in ay booqdaan shabaqa Chelsea .

Kubad weerarka City waxaa laga soo dhisayay daafaca balse Chelsea durba waa iska soo celinayeen kubadaha lagu dhiso .

Ka dib biloowgaas , City kubadda waa looga fara dhuubnaa oo Chelsea kubad deg degsiimo leh ayay ciyaareysay waxaana shaqo dheeraad ah qabnayay Willian .

Chelsea qadka dhexe iyaga ayaa kaga wacnaa City taas oo keentay in City la cadaadiyo illaa lagu keenay gool uu dhaliyay Kante daqiiqaddii 21-aad waxa uuna ka farsameystay Fernandinho.

City inkastoo goolkaas looga naxsaday hadana ma aysan qaadin niyad jab , waxaana kulankaan ay xaraaradda ka maqneyd Raheem kaasi oo a durba ka baxsanyeen kubadaha uu helo .

Inkastoo Chelsea kulankaan uu ka muuqday isku xernaan iyo is fahan hadana City waxa ay keeneen goolka bar bar dhaca waxaana daqiiqaddii 29-aad laad ku dhaliyay Kevin De Bruyne .

Ka dib ciyaarta waxa ay noqotay mid u furan labada dhinac oo waa laga filan karay illaa City ay keeneen gool labaad oo uu shaqeystay Riyad Mehraz waxa ayna aheyd daqiiqaddii 37-aad .

Gud ahaan Chelsea qadkooda dhexe aad ayuu u wacnaa , sidoo kale weerarka kaliya waxaa ka maqnaa dhameystirka , waxa ayna City daqiiqaddi 43-aad gool xaaqiiq ahaa birta kaga dhacday Aguero ka dib kubad uu si qaldan uga qaatay goolhayaha Chelsea oo kubad uu baasayy ayuu dhexda ka qabsaday .

City waxaa qeybtaas hore si weyn loo xusi karaa Kevin De Bruyne kaasi oo dadaal dheeraad ah bixinayay waliba bartilmaameysanayay shabaqa .

Soo laabashadii , City ayaa maamulka ku badneyd waxaana baxsad ahaa Mehraz oo gool raadis ahaa waxa ayna Chelsea u muuqdeen kuwo daafac u janjeersaday waxa ayna City daqiiqaddii 52-aad soo soo giliyeen Gundogan.

City si weyn ayuu u bartilmaameysaneysay goosha Chelsea waxa ayna daqiiqaddii 54-aad ku sigteen gool sedexaad balse goolhayaha kooxda reer London ayaa koorno u saaray , waxa uuan Lampard daqiidi 58-aad badlaay Emerson isag oo gilioyay Reece James .

Duulaanka City ee goosha Chelsea ma aheyn mid kala joogsnayay waxaana kooxda Lampard gool xaqiiq ahaa si cajiib ah uga bad baadiyay goolhayaha ka dib kubad Mehraz uu ku laaday shabaqa daqiiqaddii 64-aad . waxaan City daqiiqii 66-aad hdawac muqara ah loo saaray David Silova iyadoo lasoo giliyay Philip Foden.

Marka la eego hanaanka Chelsea , waxa ay u muuqdeen kuwo ku tiirsan weerarada rogaalka celiska xili aga goosah city ay tagayeen balse dhameysir ma jirrin.

City daqiiqaidi 76-aad waxa ay saareen Aguero oo lagu badalay Jesusu , waxa ayna labada koox dhamaadkii isku dayayeen in mamaulka kubadda ku kala sareeyeen waxaan adaqiiaidi 80-aad Willian laga abd baaidytay gool ka dib kubad uu si xooggan ugu laaday goosha City .

Dhamaadkii isku dayo kala duwan ayay sameeyeen labada koox balse ma mira dhallin waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay guusha ku raacday City xilli waqtigii dheeriga gool uu dhaliyay Raheem la diiday ka dib markii VAR lagu laabtay  , waxa ayna  Chelsea guul darro horyaalka ah ay ugu dambeysay wareeggii 6-aad ee horyaalka xiligaas oo ay ku hor kufeen Liveprool