Man City oo kudurdurisay Tottenham+SAWIRRO

238

Ka dib ciyaar qeybta labaad xaraarad yeelatay , Man City ayaa sedex gool iyo laba ku garaacday Tottenham kuwaasi oo qebtii hore ka naxsaday wiilasha Pep , waxa ayna uga talaabsadeen 4/2

Sheekada ciyaarta: ka dib fadeexo dhanka daafaca ah oo ay ka sheegteen Man City waxa nasiinada loogu diray laba gool oo nadiif ah oo is xigay

City kuma soo muuqan bandhig wacan waxaa ka muuqday daal iyo is fahan la`aan waana ku adkeyd in kubadda si sax ah u gaarsiiyaan afka hore Tottenham

Tottenham daafac ahaan aad ayay u wacnaayeen waana ku guuleysteen go`doominta Haaland iyo weerarka kale ee City halka ay dhankooda ku tiirsaaayeen kubadaha rogaal celiska ah

Man City daafacooda qalad weyn ayaa ka dhacayay oo afka hore ayay si ka bad badis ah ugu soo baxayeen taana waxa ay keentay in laba gool deg deg laga dhaliyo waxaana daqiiqadihii 44-ad iyo daqiiqadii 2-aad ee waqtiga dheeriga ka dhaliyay Kulusevski iyo Emerson

Xiddigaha City qaarkood maqane jooge ayay ka ahaayeen ciyaarta waxa ayna u baahnaayeen canaan inta nasiinada lagu jiro

Qeybta labaad , City kubadda waa ku badnaayeen waxaana ka go`neyd in waqti hore natiijada wax ka badalaan waxa ayna keeneen gool uu saxiixay Alavarez waxaana horay uga soo shaqeeyay Riyad kaasi oo dhaashay daqiiqadii 52-aad
Ka dib goolkaas , ciyaarta xaraarad ayay yeelatay , Mahrez caajiska ayaa ka tagay dhaq dhaqaaq wacan ayuu sameeynayay ilaa uu ka shaqeeyay gool labaad waxaana si qurux badan oo madaxa ah ku dhaliyay Haaland daqiiqadii 53-aad.

Citty gool sedexaad ayay dagaal ugu jireen waana u dhawaanayeen xili Totenham rogaal celiska ay maciin bideysay , waxa ayan ciyaarta aheyd mid wax waliba laga filan karo labada dhinac .

Pep soo laabashadii , shaxdii uu ku soo galay waa badalay ee 4 dhexe aheyd waxa ay taasi keentay in hanaanka ciyaarta is badasho waliba noqoto mid deg degsiimo leh , Riyad fax fax ayuu noqday waxa uuna shabaqa dhigay gool sedexaad oo cajiib ah daqiiqadii 63-aad

Aad ayay City uga wacnaayeen qeybtii hore , kalsooni ayay ciyaarayeen waxa uuna Pep badalkiisa ugu horeeyay sameeyay daqiiqadii 81-aad iyadoo uu saaray Gundogan waxa uuna soo giliyay Silva .

Dhacdooyinkaas ka dib , Tottenham waxa ay ka sheegteen in kubadda durba qasaariyeen waxa ayna u muuqdeen kuwo daalay xilli dhamaadkii City qasaarinayeen fursado ilaa Riyad gool afaraad uu dhaliyay daqiiqadii 90-aad , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 4/2.