Man City Oo Markii 3-aad Oo Xiriir Ah Ku Guulaysatay Carabao Cup+SAWIRRO

2042

Kooxda Man City ayaa ku guulaysatay koobka Carabao Cup markii 3-aad oo xidhiidh ah iyaga oo Wembley ku garaacay kooxda Aston Villa kulan dhinac kaliya ahaa.

Kooxda Man City ayaa ku bilaabatay si fiican iyaga oo ka qaab ciyaareed fiicnaa kooxda Aston Villa kuwaas oo aan soo bandhigin iska caabin fiican bilowgii ciyaarta.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa sidii caadada ahayd ee looga bartay cadaadis xoogan saaray kooxda Aston Villa iyaga oo donayay in ay dhaliyeen goolal wakhti hore ah.

Arintaas ayaa Man City u suurtagashay iyaga oo daqiiqadii 20-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay weeraryahanka Sergio Aguero kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Man City ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolasha iyaga oo kubada u diiday Aston Villa kuwaas ku uruuray goolkooda hortiisa si ay u difaacdaan goolkooda.

Daqiiqadii 30-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Rodri kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa kana dhigay 2/0.

Man City ayaa u muuqatay kuwo iska raaxaysanaya iyaga oo Aston Villa ku hayay cadaadis iyo waliba samaynta fursadaha xidhiidhka ah xilli ayna Aston Villa qaadayn wax weeraro ah.

Laakiin Aston Villa ayaa daqiiqadii 41-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib markii uu xiddiga John Stones Khaldamay Aston Vill-na ka faa’iidaysatay iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Mbwana Samatta kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man City fiicnayd ciyaarta laakiin Aston Villa dhalisay gool walina ciyaartu furantahay maadama ay Final tahay.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Labada kooxoodba sameeyeen fursado badan waliba Man City ha u badnaatee laakiin waxa laga dhalin waayay wax goolal ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City sidaas ugu guulaysatay koobka Carabao Cup-ka xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah.