Man City Oo Xasuuqday Crystal Palace+SAWIRRO

1522

Man City ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaareen Crystal Palace oo ay uga talaabsdeen afar gool oo nadiif ah .

Kulankaas ayaa ahaa mid guud ahaan maamulka kubdda ay ku sareysay City oo dhan waliba kaga wacneyd kooxda martida .

Heerka kubada haysashada City waxa ay gaareysay %75 waxaana kua dkaa Crystal Palace in kubadda la qeybaadaan kooxda Pep

Goolasha City waxaa laba ka mid ah dhaliyay Stones daqiiqadihii 26-aad iyo 68-aad halka kan kale uu lahaa Ilkay Gundogan kaasi oo yimid daqiiqdihii 57-aad xilli goolka afaraad ee bandhiga lagu soo afjaray uu lahaa Raheem kaasi oo yimid daqiiqadii 88-aad

Guushii ugu dambeeysay City ee ay Palace kaga gaaraan qalcadda Etihad waxa ay aheyd sanadkii 2017-ka xilligaas oo ay uga talabsadeen 5/1

Palace waxa ay ka sheegteen dhibaato daafac maxaa yeelay goolasha City waxa ay ku yimaadaan dhanka koormada

Palace waxa ay ka sheegteen is fahan la`aan , kualmaa kubadda ay cagtooda gashana waa laga kala jarayay waxa uuna Pep badaladiisa ugu horeeyay sameeyay daqiiqadii 60-aad xilligaas oo uu soo giliyay Phil Foden oo loo saaray Bernado Silva waxaana sigay badalo lagu soo giliyay Joao Cancelo iyo Ferran Torres oo loo saaray Bruyne iyo Gundogan

Guul dardaaan Palace ayaa imaaneysa sedex kulan ka dib oo ay guul darro ka ahaayeen horyaalka, mana jirin wax ay soo ban dhigeen kulankaan City.