Man United Iyo Chelsea Oo Dhibcaha Ku Qaybsaday Old Trafford+SAWIRRO

1937

Manchester United iyo Chelsea ayaa bar-bardhac min hal gool ah ku galay Old Trafford iyadoo ay labada kooxood goolasha ka kala heleen Juan Mata iyo Marcos Alonso.

Natiijadan ayaa ahayd mid guuldarro uga dhigan Man United oo haatan wali saddex dhibcood kasii dambaysa booska afraad ee kala sarreynta kaalmaha horyaalka iyadoo ay kaliya laba kulan ka hadheen horyaalka.

Shaxaha Labada Kooxood Ee Kulankan

Manchester United: De Gea, Young, Lindelof, Bailly, Shaw, Herrera, Matic, Pogba, Mata, Rashford, Lukaku

Keydka: Romero, Rojo, Darmian, Perriera, McTominay, Sanchez, Martial

Chelsea: Kepa, Azpilicueta, Rudiger, Luiz, Alonso, Kante, Kovacic, Jorginho, Willian, Hazard, Higuain

Keydka: Caballero, Zapacosta, Christensen, Barkley, Loftus-Cheek, Pedro, Giroud.

Falanqaynta Guud Ee Kulanka

Lukaku ayaa fursad dahabi ah helay daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta kaddib baas dheer oo uga yimid Luke Shaw waxaana uu kubadda si toos ah ula hortagay goolhaye Kepa laakiin xiddiga ree Belgium ayaa isku dayay inuu kubadda habaysto balse ugu dambayn darbada uu tuuray ayuu badbaadiyay Kepa oo dhinac u saaray.

Intaa kaddib weerarka ayaa noqday mid inta ugu badan ka imanayay dhinaca Manchester United iyadoo xiddigaha Ole Gunnar Solskjaer ay ahaayeen kuwa halista badan abuuraya.

GOOAL: Man United ayaa la wareegtay hoggaanka kulanka, Lukaku ayaa baas sarre oo cajiib ah ka dul qaaday daafacyada Chelsea waxaana uu goolka hortiisa baas u dhigay Shaw kaas oo isna door-biday inuu kubadda usii hibeeyo Mata oo ugu dambayn goolka oo madhan kubadda dhex dhigay.

Alonso ayaa daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta tuuray laad xor ah si uu kulanka ugu soo celiyo Chelsea laakiin daafaca ree Spain ayaa lag xoogan dul mariyay goolka David De Gea.

Chelsea oo aad mooday in goolku hurdo ka kiciyay ayaa samaysay fursado dhawr ah iyadoo Jorginho uu laba jeer oo xidhiidh ah kubaddo kasoo noqday goolka Manchester toos ugu celiyay laakiin uu ku fashilmay inuu beegsado goolka.

Red Devils ayaa daqiiqadii 29-aad ee ciyaarta ku dhawaaday inay dheeraystaan hoggaanka kulanka, Eric Bailly ayaa si halis ah u madaxeeyay karoos uu geeska kazoo tuuray Luke Shaw balse wax yar u mariyay birta goolka.

GOOAL: Chelsea ayaa bar-tilmaameedkii ugu horreeyay ee ay ka samaysay kulanka iskaga soo celisay goolka looga horreeyay, Rudiger ayaa lag gantaal ah ka tuuray meel ka fog goolka waxaana kubadda si qalad ah iskaga soo celiyay De Gea oo daafacay balse Alonso oo meel dhaw taagnaa Ayaan ka warwareegin inuu si fudud goolka ugu celiyo kubadda kasoo noqotay David De Gea.

Qaybta hore ee kulanka ayaa kusoo dhammaatay 1-1 ay bar-bardhac ku galeen labada kooxood walow ay Manchester United ahayd mida halista badan haddana filashada Chelsea ayaan meesha ka maqnayn.

Loolanka kulanka ayaa halkiisa kasii socday Marcus Rashford ayaana horraanta qaybtii dambe darbeeyay laad xor ah oo kooxdiisa loo dhigay balse waxa si aan dhib badan lahayn ku qabsaday Kepa.

Intaa kaddib ciyaarta ayaa noqotay mid xamaasadeedu sarreyso balse ay yaraadeen fursadaha ay kala helayaan labada kooxood waxaa sidoo kale jiray dhaawacyo haleelay xubno kamid ah labada kooxood.

Chelsea ayaa daqiiqadii 73-aad ee kulankan loo dhigay darbad laad xor ah waxaana laagay Willian Borges kaas oo wax aan badnayn u mariyay goolka De Gea.

Intaa kaddib Man United ayaa heshay fursad aad u halis badan daqiiqadihii dheeriga ahaa ee kulanka, Marcos Rojo ayaa madaxa ku darbeeyaay karoos uga yimid Ashley Young isaga oo kubadda dhaafiyay goolhaye Kepa balse uu kasoo difaacday Pedro oo goolka dhex taagnaa.