Sidee Ayay Xiddigaha Arsenal Ku Ogaadeen In Shaqada Laga Caydhiyay Unai Emery

1560

Tababare Unai Emery ayaa tababar siiyay xiddigaha kooxda saaka ka hor intii aan tababaraha loo sheegin in shaqada laga caydhiyay xilli ay maamulka Arsenal haatanba bilaabeen badalka tabaabraha badali lahaa.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in madaxda ciyaaraha kooxda ee Raul Sanllehi uu xiddigaha kooxda u sheegay in tababaraha laga caydhiyay shaqada tababaranimo ee kooxda.

Shaqo ka caydhinta tababare Emery ayaan noqon mid la yaab leh marka loo eego qaab ciyaareedkii liitay ee ay kooxdu soo bandhigtay wakhtigii ugu dambeeyay.

Xiddigaha kooxda ayaa la sheegayaa in ay dhankooda lumiyeen kalsoonida tababaraha reer Spain kadib bar-barihii 2/2 ahaa ee Southampton.

Halyeeyga Kooxda ee Freddie Ljungberg  ayaa haatan si ku meel gaadh ah shaqada ula wareegi doona isaga oo kulankiisii ugu horeeya hogaamin doona kulanka Norwich.