WARBIXIN: Shan Tababare Oo U Sharaxan In Ay Emery Ka Badalaan Shaxda Arsenal.

1548

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah Shaqada uga caydhisay tababare Unai Emery kaas oo baneeyay kursiga Tababarka Arsenal 18 bilood kadib markii loo dhiibay xilka kooxda Arsenal.

Kadib natiijooyin xun oo ay kooxdu ka heshay kulamada Maamulka Gunners ayaa go’aansaday in ay shaqada ka caydhiyaan tababaraha reer Spain kaas oo saaka loo sheegay go’aanka.

Wargayska Inews ayaa soo saaray 5 tababare ee haatan laga yaabo in ay noqdaan tababaraha cusub ee kooxda Arsenal:

1.Massimiliano Allegri:

Tababaraha reer Italy ayaa lala xidhiidhinayay shaqada kooxda Arsenal intii uuna Unai Emery noqon tababaraha cusub ee kooxda laakiin markaas Massimiliano Allegri ayaa ahaa tababaraha kooxda Juventus waxana uu iska diiday in uu noqdo taababaraha kooxda.

2.Mikel Arteta

Waa tababare kale oo lala xidhiidhinayay kooxda Arsenal ka hor intii uuna Emery noqon tababaraha kooxda Arsenal iyada oo Gunners lala xidhiidhinayay saxiixa xiddigeedii hore in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Laakiin Gunners ayaan u dhaqaaqin saxiixa tababaraha.

3.Erik ten Hag

Waa tababare ku fiican Falsafada Arsenal kaas oo ah in uu tababaruhu ku shaqeeyo lacag yar oo aanu suuqa galin lacag badan suuq kasta waana tababare fursad siiya xiddigaha da,yarka ah sida uu Ajax fursad u siiyo da,yarka kana dhigay koox cajiib ah.

Mauricio Pochettino:

Waa Tababare bilaa shaqo ah awoodiisana ku muujiyay Premier League kana dhigay koox ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka waliba geeyay finalka champions League xilli ciyaareedkii hore.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa laga caydhiyay shaqada Tottenham waana tababare si weyn u caawin kara kooxda Arsenal hadii uu noqdo tabaabraha kooxda Arsenal.

5.Nuno Espirito Santo

Tababaraha reer Portugal ayaa maalmihii ugu dambeeyay si weyn loo hadal hayay in uu noqon doona tababaraha Arsenal waana tababare khibrad fiican ku leh premier League kooxda Wolves-na ka dhigay koox wacdaro ka dhigta premier League.