Man United Oo Bar-bar Dhac Kala Soo Laabatay Emirates +SAWIRRO

1424

Arsenal iyo United ayaa ku hishiiyay bar bar dhac ka dib ciyaar xaraarad yeelatay qeybta labaad

Labada koox ayaa ku nastay bar bar dhac min hal gool ah waxaana United qeybtaas hore dhaawac looga saaray Scott McTominay iyadoo daqiiqaddii 37-aad la soo giliyay Anthony Martial.

United ayaa ku sareeysay maamulka kubadda sidoo kale dhanka fursadaha waxa ayna Arsenal ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah.

Labada koox waxa ay soo bandhigeen daafac adag taasi oo keentay in weeraryahanadooda Cavani iyo Lacazette aysan ku soo muuqan heer muuqda .

Heerka kubad hayshada United e qeybtaas waxa ay mararka qaar gaareysay %63 waxaana kooxda Ole daqiiqaddii 19-aad kubad xaqiiq aheyd si cajiib ah waxaa uga bad baadiyay goolhaye Leno ka dib kubad uu soo laadat Fred .

Arsenal qeybta labaad fursado ayay iska qasarinayeen oo gool loo turjumi karay waxaana ugu darneyd mid Willian uu qasaariyay oo ahyd sahal waxa ayna dhacday daqiiqaddii 48-aad xilli Wilian uu horay u soo galay soo laabashadii xiligaas oo loo saaray abriel Martinelli .

Soo laabashadii, Arsenal waxa ay sameynayeen isku day ah in kubadda ay dhisaan ayna gaarsiiyaan afka hore ee United xilli wiilasha Ole Gunner iyana halistooda aheyd mid taagan.

Arsenal oo ka wacneyd xaalkii qeybta hore waxa ay ku dhawadeen goolal haddii aysan birta ahaan laheyn daqiiqadii 64-aad kubad free kick aheyd ayay Lacazette ka bad baadisay birta ka dib goolhaye De Gea ayaa ka sii bad badaadiyay kubad kale.

Labada koox waa ay wacnayeen waana laga filan karay gool xilli United daafaca Arsenal ka bad baadinayeen kubado goolal loo turjumi karo.

Qeybihii dhamaadka , labada koox waxa ay soo bandhigeen kubad weerar iyo weerar celis , ciyaaratana waa ay u furneyd xilli ay mudnaayeen in ay iska dhaliyaan goolal .

Arsenal dhamaadkii fursado xaqiiq ah ayay iska qasaarinayeen waa ayna mudnaayene gool marka la eego heerka ay ku soo muuqdeen xilli Cavan i daqiqiadii 8-aad fusrad xaqiiq uu ka qasaariyay United , waxa ayan ugu dambeyn ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhac bilaa goolal ah.