Man United Oo Garaacday Brighton +SAWIRRO

1814

Kooxda Man United ayaa si qurux bada u gaadhay guusheedii 4-aad ee horyaalka premier League kadib markii ay garaaceen kooxda Brighton kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ayana Man United la kulmin dhib badan iyo iska caabin xoogan iyaga oo si sahal ah ku dhaafay kooxda Brighton kulan ka dhacay garoonka Old Trafford.

Kooxda Man United ayaa daqiiqadii 17-aadba muujisay awoodeeda iyaga oo dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Andreas Pereira kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa intaas sii dheer in ay Man United iska khasaarisay fursado fiican oo ay goolal u badali kartay halka ay kooxda Brighton qaadaysay weeraro aan midho dhal ahayn.

Daqiqiadii 19-aad ayay Man United sii dheeraysatay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu gool si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Davy Propper kaas oo hogaanka u dheereeyay Man United.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa horyaalka xilli ciyaareedkan tan ilaa kulankii Chelsea ee ugu horeeyay horyaalka.

Qaybtii dambe ayay kooxda Brighton dar-dar la soo gashay iyaga oo raadinayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan waliba dhaliyaan goolal ka caawiya arintaas.

Daqiiqadii 64-aad ayay Brighton dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lewis Dunk kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay dib ciyaartu ugu fuantay.

Laakiin Kaliya 2 daqiiqo ayay sidaas ahayd maadama uu Daqiiqadii 66-aad Marcus Rashford Man United u dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta isaga oo ka dhigay 3/1.

Man United ayaa dhawr jeer heshay fursado cajiib ah oo ay goolal kale ku dhalin karto laakiin Rashford ayaa kooxdiisa ka khasaariyay ugu yaraan 2 fursadood oo gool cadaan ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United ku gaadhay guusheedii 4-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.