Liverpool Oo kutumatay Man City +SAWIRRO

1777

Kaliya laba fursad oo ay ku heleen , Liverpool ayaa nasiinada ugu dirtay Man City laba goo loo nadiif ah , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 12-aad ee horyaalka Ingiriiska waxaana la joogay qalcadda Anfeild .

City ayaa cadaadis ciyaarta ku biloowday balse halis gillin ma jirrin , waxaana Liverpool biloowgii ka muuqday qal qal illaa gool ay City ka dooday ay dhaliyeen daqiiqaddii 6-aad taasi oo ka timid kubad mudneyd in City rigoooe loogu dhigo balse ma dhicin waxa ayna rogaal celiskaas Liverpool ku dhaliyeen gool uu saxiixay Fabinho kaasi oo banaanka ka toogtay .

Inkastoo City looga naxsaday goolkaas hadana waxaa jiray fursado ay cunayeen waxaana muuqanayay cabsi dhanka qadka dhexe labada dhinac balse Liverpool waxa ay ku wacnaayeen in marka City kubad qabsadeen in daafaca deg deg ugu soo laabtaan oo ay diidaan in ay wiilasha Pep siiyaan masaaxo danahooda ay ku gaari karaan .

Xilli xaalka sidaas ahaa, Liverpool-na ku tiirsaneyd kubadaha rogaal celisk ah , City-na uu ka maqnaa dhameystir dhanka weerarka ah waxa ay wiilasha Klopp heleen gool labaad waxaana si cajiib ah u dhaliyay Salah ka dib kubad uu u qajafeeyay Robertson waxa uuna goolkaas yimid daqiiqadii 13-aad.

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in goolkaas uu ka muuqday qalad dhanka daafaca ah sidaas ,oo ay tahay City isku dayo ayay sameynayeen waxaana daqiiqdii 24-aad gool laga bad baadiyay Aguero waxaana u diiday goolhayaah Liveprool .

Daafaca Liverpool waxa uu ahaa mid wacan, waa ayna soo dagayeen halka City ay ka maqnayed farsmadaas , waxaana City daqiiqadii 28-aad gool u diiday birta balse guud ahaan marka la eego hanaanka ciyaarta waxa ay aheyd mid marba koox ay kubadda maamuleyso

Daafaca City oo qeybtaas ka muuqdeen dabacsanaan waxa ay ku keeneysay in ay gool ku sigtaan mar waliba oo ay Liverpool afka hore City u soo dhawaadaan waxaana daqiiqadii 37-aad Firminho laga bad baadiyay gool xilli City Iyana dhamaadkii fursado gool loo turjiumi karay ay iska cuneen .

Si waliba oo ay ahaato , Liverpool qaab wacan ayay garoonka isku baahiyeen , qaab maksaxeysan ayayna ul tacaamulayeen marka ay City kubad cadaadis leh ciyaareysay, waxaana lagu nastay labadaas gool ee nadiifka ah .

Soo laabashadii , City dar dar ayay ku bilaabeen gool waqti horena waa ay raadinayeen balse Liverpool mar waliba halisteeda waa ay taagneyd , ka dib kubad gacanta lagu baasay ayuu Henderson u jiiday dhanka kooranada ayuuna ka qajfeeyay waxaana madaxa ku dhaliyay Mane daqiiqaddii 51-aad , waxaana qaladka ugu weyn goolkaas lahaa Walker iyo Stones .

Inkastoo City xaalka lagu sii xumeeyay hadana kubadda waa ay dhisayeen balse Liverpool ayaa dar dar wacneyd waxa ayna ka faa`ideysanayeen daafaca liitay ee City waxa ayna wiilasha Klopp u muuqdeen kuwo qadka dhexe ku sareeyay waxa ayna daqiiqadiii 60-aad soo giliyeen Milner oo loo saaray Henderson.

City dhameystirka ayaa ka maqnaa iyo in kubad sax ah gaarsiiyaan aagga goosha Liverpool , waxaana City daqiiqadii 67-aad fursad gool xaqiiq aheyd ka qasaariyay Aguero , waxa ayna Liverpool ahaayeen kuwo halis ah marka kubadda gaarsiitaan aagga goosha City xilli Pep daqiiqadii 71-aad uu soo giliyay Jesus oo loo badalay Aguero.

City si waliba oo ay dagaalameen waxaa hor taagnaa daafaca Liveprool ahaa mid isku xeran ilaa daqiiqadii 79-aad helan gool kaasi oo uu dhaliyay Bernado Silva , waxa Liverpool ka dib soo giliyeen Chamberlain oo loo badalay Firminho .

City ka dib goolkaas kubadda ayay dhisayeen waxa ayna iska qasaariyeen fursado waxaan ugu darnaa Jesus oo gool xaqiiq ahaa cunay , waxaana City lo dhigin rigoore ka dib kubad uu qajafeyay Rahiim uu gacanta ku taabtay Arlond waxa ayna aheyd daqiiqaidi 82-dii .

City dhamadkii waa ay cadaadiyeen Liverpool balse waxa ay aheyd shaqo la rabay xilli hore , waxa ayna Liverpool daqiiqadii 86-aad soo giliyeen Gomes oo loo badalay Salah , waxa uuna tababare Klopp ciyaaray kubad maskaxeysan, waxa ayna ciyaarta ku dhaamatay 3/1 oo ay Liverpool guusha ku raacday.