Mohamed Salah Oo Ku Biirayo Horyaalka Sucuudiga Xagaagan

236

Kabtankii hore ee kooxda Al-Ittihad ee Mohamed Nour ayaa sheegay in uu xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ku biirayo kooxda sucuudiga ku ciyaarta inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Kooxda ka ciyaarta sucuudiga oo horay Liverpool ugala wareegtay Fabinho ayaa wali weerar ku ah Kooxda Premier League ka ciyaarta iyaga oo doonaya saxiixa xiddiga Mohamed Salah.

Mohamed Nour ayaa xaqiijiyay in 75% Mohamed Salah ku biiri doono kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu Mohamed Nour yidhi”Mohamed Salah waxa uu ku biirayaa Kooxda Al-Ittihad”.

“Waxa aan hubaa in Mohamed Salah 75% ku biirayo kooxda Al-Ittihad”ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa imanaya Kadib markii wakiilka xiddigu xaqiijiyay in uuna Mohamed Salah meelna uga socon kooxda Liverpool inta lagu jiro xagaagan.