Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho+SAWIRRO

190

Qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa saakay ka dhacay isgooska Ifka Xalane, gaar ahaan halka ay ku taallo xaruntii hore ee dhul-bixinta dowladda hoose ee Xamar.

Sida aan wararka ku helnay gaari nuuciisa yahay Layla Calaawi oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay darbiga xaruntii hore ee dhul-bixinta, halkaas ay fariisin ku leeyihiin ciidanka xasilinta .

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in gaariga inta uusan qarxin kahor ay rasaas ku fureen, waxa uuna gaariga oo si xowli ah ku socday markii dambe ku qarxay darbiga xaruntii hore ee dhul-bixinta dowladda hoose ee Xamar.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay qaraxan is-miidaaminta ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo ku sugnaa goobnta uu qaraxu ka dhacay iyo dad kale oo guryahooda ugu tagay firirka qaraxa.

Dadka dhintay waxaa ku jira nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Xarbi Salaad Cumar oo katirsanaa shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir, lamana shaacin ilaa hadda xogta dadka kale ee qaraxa waxyeeladu kasoo gaartay.

Laamaha ammaanka ayaan faah faahin badan ka bixin qaraxan saakay ka dhacay Muqdisho, waxa ayna saraakiil booliis sheegeen in ay socdaan baaritaano ku aadan qaraxa dibna laga faah faahin doono xogta iyo khasaaraga uu reebay.