Mason Greenwood Oo Laga Caydhiyay Man United

223

Mason Greenwood ayaa maanta qirtay in uu khaladaad sameeyay isaga oo ogolaaday in uuna mar dambe u ciyaarin kooxda Man United.

Hadalka xiddiga ayaa yimid kadib markii ay kooxdu ku dhawaaqday in mustaqbalkiisa Old Trafford soo dhamaaday kadib markii ay kooxdu badashay go’aankii ay xiddiga dib ugu soo celinaysay kooxda.

Man United ayaa shaacisay in uu xiddigu isaga tagi doono kooxda kadib markii uu galay dambiyo kufsi ah oo muddo bilo ah loo haystay.

Greenwood ayaa hadal uu soo saaray ku yiri: “Waxaan rabaa inaan ku bilaabo inaan dhaho waxaan fahamsanahay in dadku ay igu xukumi doonaan sababtoo ah waxay ku arkeen oo ay ku maqleen baraha bulshada, waxaana ogahay in dadku ay u malayn doonaan waxa ugu xun”.

“Waxaa la igu barbaariyay in aanan ogolaan xad gudubka xidhiidh kasta ma aanan samayn waxyaalihii la igu eedeeyay, bishii February ayaa la iga masaxay wax walba oo la igu soo oogay, Si kastaba ha ahaatee, waxaan si buuxda u aqbalay inaan khalad ku sameeyay xiriirkayga, waxaanan qaataa qaybteyda mas’uuliyadda xaaladaha keentay in la soo dhigo baraha bulshada”.

“Waxaan baranayaa inaan fahmo mas’uuliyaddayda si aan tusaale wanaagsan u noqdo ciyaaryahan ahaan kubbadda cagta, waxaana diiradda saarayaa mas’uuliyadda weyn ee ah aabbe, iyo sidoo kale lammaane wanaagsan”

“Go’aanka maanta waxa uu qayb ka ahaa hanaanka wada shaqayneed ee dhex maray Manchester United, qoyskayga iyo aniga. Go’aanka ugu fiican dhammaanteen, waa inaan sii wato xirfadeyda kubbadda cagta meel ka baxsan Old Trafford, halkaas oo joogitaankaygu uusan noqon doonin mid carqalad ku ah kooxda”