Man United oo garaacday Partizan Beograd+SAWIRRO

1696

Kooxda Man United ayaa guul dirqi ah kala soo laabatay Serbia kadib markii ay guul ka soo gaadheen kooxda Partizan Beograd kulan ka tirsanaa kulankii 3-aad ee wareega Group-yada tartanka Europa League.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kulanka ku soo galay shax isku dhex jir ah oo ay xiddigo da,yar ah ku jiraan isaga oo kaydka dhigay xiddigo waaweyn oo kooxda.

Ma United ayaa ciyaarta ku bilaabatay si qurux badan iyaga oo kooxda Partizan Beograd ku qaadayay weeraro ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolka ay ciyaarta hogaanka ugu qabanayaan.

Laakiin kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxoodba si fiican u difaacanayeen waliba ilaalo adag ka hayeen labadooda Gool.

Waxay United goolka raadisaba daqiiqadii 43-aad ayay heshay rikoodhe iyaga oo uu gool u badalay xiddiga Anthony Martial ayaa gool u badalay rikoodhada hogaankana u dhiibay kooxdiisa.

Laakiin wixii intaa ka dambeeya Kooxda Partizan Beograd ayaa ka kacday hurdada iyaga oo Man United ku qaaday weeraro aan kala joogsi lahayn iyada oo Man United dib u gurasho samaysay daafacna galay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United 1/0 ku hogaaminayso laakiin kulanku ahaa mid adag oo ay labada kooxoodba si adag u difaacdeen.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa la odhan karaa waxa kaliya ciyaaraysay kooxda Partizan Beograd kuwaas oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn halka ay United ku jireen daafac sidoo kale qaadayeen weeraro rogaal celis ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United Serbia kala soo laabatay guul ay ku rafaaday.