Man United Oo Guuldaro Ku Bilaabatay Xilli Ciyaareedka Premier League +SAWIRRO

1602

Kooxda Man United ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Crystal Palace kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa todobaadkii 2-aad ee horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa midkii ugu horeeyay ee Man United maadama ayna kulankii todobaadkii hore ciyaarin iyaga oo nasanayay.

Man United ayaan ku bilaaban xilli ciyaareedka sidii ay doonaysay marka loo eegedo dhanka qaab ciyaareedka iyo waliba dhanka natiijadaba.

Kulanka ayaa ku bilowday mid ay United u muuqatay kuwo aan diyaar u ahayn in ay bilowdaan xilli ciyaareedka una baahnaa wakhti dheeraad oo ay ku diyaar garoobaan.

Crytal Palace ayaa United kaga naxsatay gool deg-deg ah kadib markii ay daqiiqadii 7-aad ka dhaliyeen iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Andros Townsend.

United ayaa ku dhibaatoonaysay in ay jabiso daafac adag oo ay dhigeen kooxda Crystal Palace xilli ay daafacoodu ku dhibaatoonayeen in ay joojiyaan weeraro rogaal celis ah oo halis ah oo ay qaadayeen xiddigaha Crystal palace.

kooxda Crystal Palace ayaa dhawr jeer ku dhawaatay in ay United ka dhaliso gool qaybtii hore xilli ay United dhankeeda heshay fursado goos-goos ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United u ciyaartay sidii ugu xumayd ee ay ku bilaaban lahayd xilli ciyaareedka.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Crystal Palace ku bilaabatay si dar-dar leh iyada oo aad moodayba in lagu ciyaarayo garoonkeeda.

United oo iyaduna sidii qaybtii hore dhaantay dhanka qaab ciyaareedka ayaa isku dayay in ay sameeyaan fursado ay gool ka dhaliyaan laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay Goolka Crystal Palace hor tagaan.

Daqiiqadii 72-aad ayay Crystal Palace heshay rikoodhe kadib markii VAR qabatay gacan uu daafaca Victor Lindeloef ku taabtay kubtada.

Xiddiga Jordan Ayew ayaa rikoodhada laagtay waxana qabtay David De Gea laakiin rikoodhada ayaa lagu celiyay kadib markii uu De Gea soo dhaafay liidka cad ee goolka.

Xiddiga Wilfried Zaha ayaa u istaagay in uu laagto isaga oo gool ka dhaliyay markan ciyaartana ka dhigay 2/0 ay Crystal Palace ciyaarta ku hogaaminayso.

Waxa badal ku soo galay xiddiga khadka dhexe ee Donny Van de Beek kaas oo ciyaaray daqiiqadihii ugu horeeyay ee kulan Rasmi ah oo Man United ah.

Xiddiga khadka dhexe ee Donny Van de Beek ayayna wakhti dheer ku qaadan in uu kooxdiisa dib ugu soo celiyo ciyaarta isaga oo furtay Akoonkiisa Goolasha United.

Daqiiqadii 80-aad ayay United dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Donny Van de Beek kaas oo rajo siiyay kooxdiisa in ay ciyaarta ku soo laabato.

Laakiin Wilfried Zaha Ayaa daqiiqadii 85-aad dilay rajada Unite ee ciyaarta kadib markii uu gool qurux badan u dhaliyay kooxdiisa kana dhigay 3/1 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarto oo ay Man United guuldaro ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee premier League waliba aan soo bandhigin wixii laga filayay.