Man United Oo laga Cidhibtiray FA Cupka+SAWIRRO

2289

Manchester United ayaa guuldaro waji gabax ah kala soo laabtay kooxda Wolves waxayna kooxda Wolves awooday in ay Red Devils ka cidhibtirtay tartanka FA Cupka. Manchester City ayaa noqotay kooxda wayn ee kaliya ee baaqi ku sii ah FA Cupka iyada oo Man United iska lumisay fursada ay afar dhamaadka FA Cupka ugu soo bixi kartay.

Wolves ayaa guushan ku gaadhay 2-1 iyada oo waliba Jimenez iyo Diogo Jota ay labada gool u dhaliyeen Wolves halka Rashford uu ilbidhiqsiyadii ugu danbeeyay ciyaarta dhaliyay goolka aan micnaha u yeelan Man United.

Tababare Nuno Espírito Santo aya halkiisa ka sii wata wacdaraha uu kubbada cagta England ka dhigayo isaga oo kooxda Wolves uu heerka labaad ka keenay hadda ka dhigay mid ay kooxaha waa wayni ka cabsanayaan.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid aan wax goolal ah la kala dhalin waxayna Manchester United ku fashilantay in ay wax goolal ah ka dhaliso Wolves oo iska caabin xoogan kala hortimid laakiin qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Wolves la soo laabtay kalsooni dheeraad ah waxayna dhibaato ku abuurtay Man United.

Daqiiqadii 70 aad ayay ahayd markii ay kooxda Wolves xaalada ku xumaysay Manchester United iyada oo goolka furitaanka uu dhaliyay R. Jiménez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Wolves ku heshay hogaanka ciyaarta ee ay u qalantay.

Manchester United ayaa goolkan kaga jawaabay in Solskjaer uu ciyaarta ka soo galiyay Andreas Pereira wuxuuna saaray Ander Herrera laakii Wolves ayaa halkeeda ka sii wadatay wacdaraha cusub ee ay la soo baxday.

Daqiiqadii 76 aad Wolves ayaa xaalada ku sii xumaysay Man United kadib markii uu Diogo Jota dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Rúben Neves wuxuuna goolkani noqday dhirbaaxo xun oo wajiga ugaga dhacday Solskjaer oo ku fikirayay in ay goolka barbaraha keensadaan.

Laakiin goolhaye Diogo Jota ayaa ahaa mid uu difaaca Man United ku burburiyay isla markaana uu shaqo layaableh qabtay halkan ayaanad ka daawan kartaa wixii uu sameeyay.

Daqiiqadii 84 aad Victor Lindelof ayaa kaadhka cas loo taagay laakiin markii dib loo eegay VAR waxaa la go’aamiyay in uu kaadhka digniinta ah oo kaliya qaato waxayna Man Uited sii waday in ay wax tamar soo laabasho ah iska raadiso.

Wolves ayaa goolal badan dhalin kartay kulankan laakiin goolhaye Sergio Romero ayaa badbaadin cajiib ah ka sameeyay waxayna Man United la kulantay guuldaradii labaad ee tartamada maxaliga ah iyada oo Solskjaer uu kadib guuldaradii Arsenal markale arkay kooxdiisa oo fashil noqotay.

Daqiiqadii 95 aad waqti ay ciyaartu dhamaad tahay ayuu Rashford dhaliyay goolka kaliya ee ay United kulankan kula timid wuxuuna ahaa gool yimid waqti aan munaasib ku ahayn in wax soo laabasho ah laga fikiri karo iyada oo Luke Shaw uu caawinta lahaa.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Wolves guuldaro ugu soo xambaarisay Man United isla markaana ay Wolves ugu soo baxday afar dhamaadka FA Cupka halka Man United ay tartankan ka soo cidhibtirtay.