Man United Oo Tottenham U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Nemanja Matic

1704

Kooxda Man United ayaa Kooxda Tottenham u sheegtay qiimaha ay ku heli karto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Nemanja Matic kaas oo uu Jose Mourinho doonayo in uu keeno kooxdiisa suuqa January.

Xiddiga reer Serbia ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Man United xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaaray kaliya 3 kulan oo premier League ah.

Xiddiga Matic ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Man United iyada oo lala xidhiidhinayay kooxaha Juventus iyo Inter Milan.

Laakiin Kooxda Tottenham ayaa haatan ugu cad-cad saxiixa xiddiga khadka dhexe kadib markii uu jose Mourinho noqday tababaraha kooxda Spurs.

Xiddiga khadka dhexe ee Nemanja Matic ayaa horay uga soo hoos ciyaaray tababare Jose Mourinho markii uu hogaaminayay kooxaha Chelsea iyo Man United.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Man United u ogashahay in uu Matij ku biiro kooxda Tottenham marka la gaadho suuqa kala iibsiga January ee bisha dambe.

Laakiin Red Devils ayaa kaliya diyaar u ah in ay xiddiga khadka dhexe ku fasaxdo kaliya lacag dhan 15 milyan oo euro.