Arsenal Oo Bar-Baro lagashay Crystal Palace +SAWIRRO

1784

Kooxda Arsenal ayaa ku hor kuftay garoonkeeda iyo taageerayaasheeda kulan ay la ciyaaraysay kooxda Crystal Palace kana tirsanaa todobaadkii 10-aad ee horyaalka premier League.

Kulanka ayay Arsenal si cajiib ah ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo dhaliyay gool wakhti hore ah oo ciyaarta ah si dar-dar lehna ku bilowday kulanka.

Daqiqiadii 7-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay daafaca Sokratis kaas oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.

Arsenal ayaa sii waday dar-dartii ay ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo si deg-deg ah gool kale uga daba geeyay goolkii hore ee ay dhaliyeen.

Daqiiqadii 9-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga David Luiz kaas oo hogaanka ciyaarta u sii dheereeyay kooxdiisa.

Laakiin Crystal Palace ayaan quusan waxana ay wadeen raadinta goolal iyo waliba in ay ciyaarta ku soo laabtaan.

Daqiqiadii 32-aad ayay Palace heshay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Luka Milivojevic kaas oo ciyaarta ka dhigay gool rikoodhe ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Arsenal hogaaminayso laakiin ayna Crystal palace is dhiibin kana quusan ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay labada kooxoodba ku soo galeen iyaga oo raadinayay in ay natiijada wax ka badalaan goolal kalena dhaliyaan.

Kooxda Crystal palace ayaa daqiiqadii 52-aad dhalsay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jordan Ayew kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Arsenal ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay dhalisay goolka 3-aad laakiin VAR ayaa ka diiday goolka taas oo ciyaartu sii ahaatay 2/2.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal bar-baro niyad jab leh la gashay Crystal Palace inkasta oo ay laba gool ku hor martay.