Man United Oo Garaacday Norwich City +SAWIRRO

1703

Kooxda Man United ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Norwich City kulan ay Red Devils isku qortay taariikhda premier League kana dhacay garoonka Carrow Road kana tirsanaa todobaadkii 10-aad ee Premier League.

Kulanka ayaa kooxda Man United loo dhigay laba rikoodh laakiin labada Rikoodhe laga qabtay iyaga oo laga kala qabtay xiddigaha Marcus Rashford Iyo Anthony Martial.

Daqiiqadii 21-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Scott McTominay kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Kooxda Man United ayaa daqiiqadii 30-aad sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay United ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United si qurux badan u ciyaarta waliba soo bandhigtay qaab ciyaareed ilowsiiyay bilowgoodii xumaa ee xilli ciyaareedkan.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Man United sii waday qaab ciyaareedka fiican iyaga oo raadinayay in ay sii dheeraystaan ciyaarta waliba wakhti hore dilaan Natiijada.

Man United ayaa daqiqiadii 73-aad dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Anthony Martial kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay United ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Norwicg City ayaa gool sharafeedka dhalisay daqiiqadii 88-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Onel Hernandez kaas ciyaata ka dhigay 3/1 ay Kooxda Norwich City hal gool ku soo ceshaata.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Norwich City sidaasna ku gaadhay guusheedii 3-aad ee horyaalka xilli ciyaareedkan.