Liverpool Oo ka Talaabsatay Tottenham+SAWIRRO

1718

Sheekadda Ciyaarta : Ka dib ciyaar hal dhinac aheyd , Tottenham ayaa nasiinada ugu dirtay Liverpool hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid daqiiqaddii 1-aad ee biloowga ciyaarta waxaana saxiixay Harry Kane ka dib kubad uu ka shaqeeyay Son taasi oo birta ku dhacday ayuu wiilka reer Ingiriis helay fursad uu ku madaxeeyo kulana hubsado shabaqa.

Inkastoo goolkaas looga naxsaday Liverpool , hadana waqti badan kuma qaadan in maamulka ciyaarta ay la wareegaan waliba dagaal u galaan goolka bar bar dhaca haddii uusan ahaan laheyn goolhayaha Tottenham kaasi oo kaalin libaax ah ciyaaray .

Marka laga yimaado goolkaas , Tottenham hal mar kaliya ayay toos u u sigeen goosha Liverpool ka dib kubad uu Erikson uu daqiiqaddii 23-aad ku laaday goosha saaxibada Salah balse goohayaha ayaa bad baadiyay .

Halista Tottenham waxa ay ka imaaneysay garabka bidix waxa ayna guud ahaan kubadooda aheyd nooca rogaal celiska ah xilli Liverpool ay ciyaareen kubad cadaadis ah oo aan kala joogsi laheyn oo si weyn uga socotay garbaha .

Kubad deg degsiimo leh iyo weerar afka hore ah ayay Liverpol saareen Tottenham waxaana jiray fusardo xaqiiq ahaa oo is xigay oo uu bad baadiyay goolhayaha Tottenham , daqiiqadihii 26,28 ,29vaad, Liverpool waxaa kubado shabaqa soii galiyay ka bad baadiyay goolhayaha Tottenham oo si la yaab leh u sameeyaynayay bad baadintaas.

Tottenham guud ahaan dib ayay u gurteen ka dib goolkii kediska ahaa waxa ayna la tacaalayeen in kubadaha iska soo saaraan waxaana sii dheeraa in ay ku adkeyd in kubadda cagtooda ku daahdo xilli Liverpool ay dhan waliba ka wacnaayeen kulankaan kaliyana goosha ayaa diidaneyd waxa ayna heerka maamulak kubadooda uu gaaray %76.

Soo laabashadii , Tottenham gool labaad ayay baadi gobeysa waxaana sidaas sameynayay Kane balse Liveprool oo iyana qaba wcaan ku bilaabay dirba goolka bar bar dhaca ayay keeneen waxaan u dhaliyay Henderson daqiiqadii 52-aad

Ka dib dhacadaas Liverpool isku dayo kale ayay sameeyeeb gaar ahaan Salah balse goolhayaha Tottenham ayay aheyd habeenkiisa , waxaan xusid mudan in ciyaarta aheyd mid laga filan karay gool labaad gaar ahaan Liverpool .

Liverpool waddo waliba ayay u marayeen gool labaad balse kubad waliba oo ay ku laadaan goosha Tottenham goolhayaha ayaa diyaar u ahaa waxa ayna Tottenham ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah balse ma jirrin halis gillin ay ku sameeyeen.

Cadaadiska Liverpool ee goosha Tottenham waxaa ku yimid gool ka dib qalad lagu galay Mane waxaana rikoore la dhigay daqiiqaddii 74-aad gool u turjumay Mohamed Salah , waxaana xusid mudan in wiilasha Klopp ay mudnaayeen marka la eego sida weyn ee ay dagaalamayeen .

Ka dib goolkaas , Tottenham isku dayo ayay sameeyeen in yarna cadaadis ayay saareen Liveprool balse kubadooda meel ay marsiiyaan ayay waayeen maadaama daafaca Liverpool ay dhiiranaayeen , waxaana daqiiqaddii 84-aad Liverpool dhaawac uga baxay ciyaarta Salah oo u muuqday mid aan sii dhameystiran Karin ciyaarta waxaana lagu badalay Joe Gimez .

Si waliba oo ay Tottenham isku dayo u sameeyeen xilli Liverpool-na dhamadkii ay soo dhiiranneysay waxa ay ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay guusha ku raacday kooxda Liverpool .