TOp:- Xalaadda Siyaasadeed Ee Puntland Oo Kacsan & Warar kale

1806

kulamadii ugu adkaa ee ay yeeshaan baarlamaanka Puntland oo gooni-gooni ah isqancin balanqaadyo lacageed, kuwa xileed iyo dadaal kasta ayaa hadda dhamaad ku dhaw, waxaana latagayaa hoolka baarlamaanka Puntland oo ah halka loogu loo lamayo Ajendaha kalfadhiga.

Kulamadan waxaa lahaa labada dhinac ee baarlamaanka ee kala taabacsan guddoonka baarlamaanka in uu sii joogo iyo kooxda kasoo horjeeda ee Madaxtooyada Puntland oo ay u adeegayaan mudanayaal baarlamaan.

baarlamaanka ayaa la horgeynayaa Ajendaha kalfadhiga looga doodayo, waxaana qodobada kamid ah kuwa xasaasi ah, gaar ahaana kuwa kusaabsan Mashaariicda dawladda Imaaraatka Carabtu ay ka fulinayso gudaha Puntland.

Tan iyo markii ay soo ifbaxday Xiisada Siyaasadeed ee ka Dhex tagan Barlamanka Puntland iyo Madaxtooyada ayaa waxaa Soconayay Mowjado kala duwan Islamarkaana labada dhinac ay is weydaarsanayaan,

Hada waxaa Garaawe ka soconaya Kulamo iyo Shirar Hoose ay waddan Xumno ka Tirsan Barlamanka Puntland
Madaxtooyada Puntland ayaa didaan ugu jirta sidii ay oga Hor tagi laheyd Qorsha Barlamanka Puntland ee Laga soo Abaabulay Villa somalia.