Man United Oo Xasuuqday RB Leipzig +SAWIRRO

1526

Kooxda Man United ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda RB Leipzig kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa tartanka champions league.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxood isku jawaabeen weeraro iyo weerar celis koox walbana raadinaysay sidii ay goolal uga dhalin lahayd kulanka.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa shax la yaab leh ku soo galay kadib markii uu kaydka dhigay xiddigaha ugu muhiimsan kooxdiisa taas oo ka yaabisay taageerayaasha.

Laakiin arintaas ayaan Man United ka hor istaagin in ay si qurux badan u ciyaaraan waliba ka fiicnaadaan kooxda soo booqatay garoonka Old Trafford.

Daqiiqadii 21-aad ayay man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mason Greenwood kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda RB Leipzig ayaa dhankeeda samaysay fursado cajiib ah iyaga oo United ku qaadayay weeraro halis ah laakiin waxa ay ku dhibaatoonayeen dhanka dhamaystirka fursadaha ay heleen.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay United dhanka natiijada hogaaminaysya laakiin qaab ciyaaredka labada kooxood isku mid yihiin.

Qaybtii dambe ayay United ku soo gashay qaab dar-dar leh iyaga oo qaadayay weeraro ay doonayeen in ay ku dilaan ciyaarta RB Leipzig-na uga hor istaagaan wax soo laabasho ah.

Daqiiqadii 76-aad ayuu xiddiga Marcus Rashford oo badal ku soo galay u dhaliyay United goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu ciyaarta ka dhigay 2/0.

Marcus Rashford ayaan halkaas ku joogsan waxana uu daqiiqadii 78-aad dhaliyay gool 2-aad oo deg-deg ah isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay United ku hogaaminayso ciyaarta.

Red Devils ayaa sii waday dadaalka ay ku doonaysay in ay ku badsato goolasha kulanka iyaga oo ka faa’iidaysanayay niyad jabka xiddigaha RB Leipzig.

Daqiiqadii 87-aad ayay Man United dhalisay rikoodhe waxana u Istaagay rikoodhada xiddiga Anthony Martial Kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Wax yar kadib United ayaa dhalisay gool kale waxana markan shabaqa soo taabtay xiddiga cusub ee Edison Cavani laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.

Daqiiqadii 90+2 ayuu xiddiga Marcus Rashford dhaliyay saddexley-diisii ugu horaysay ee xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaarta ka dhigay 5/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guul weyn oo 5/0 ah ka gaadhay kooxda RB Leipzig.