Mohamed Salah Oo Guul Ku Hogaamiyay Liveprool+SAWIRRO

1749

Liverpool ayaa dhamaadkii guul muhiim ah ka gaartay Leeds United oo ay uga talaabsadeen 4/3 ka dib ciyaar qaladaad dhanka daafaca ah uu gareeyay

Sheekada Labada Qeyb : Ka dib ciyaar xaraarad laheyd , Liverpool ayaa nasiinada ugu dirtay Leeds United 3/2 waxa ayna wada ciyaarayeen kulan ka tirsan wareegga koowaad ee horyaalka Ingiriiska .

Ciyaarta ayaa aheyd mid xaararad leh xilli Liverpool ay ku sareeyeen cadaadiska kubadana kaga badnaayeen Leeds , waxa ayna goolka koowaad keeneen daqiiqaddii 4-aad waxaana rigoore ku dhaliyay Mohamed Salah.

Ka dib dhacadaas , labada koox waxaa laga diiday goolal sababo la xariira offside waxa ayna kala yimaadeen daqiiqadihii 8-aad iyo 15-aad .

Leeds United waa ay ku dhiiranayeen abuurista kubadaha weerarka illaa ay keeneen goolka bar bar dhaca waxaana daqiiqaddii 12-aad ka dhaliyay Jack Harrison waxaana ka muuqday qalad weyn oo dhanka daafaca Liverpol ah.

Leeds waxa ay ka sheeganayeen in kubadda cagtooda ku hayaan waxaana daqiiqaddii 20-aad lagu helay gool waxaana madaxa ku dhaliyay Van Dijk ka dib kubad koorno aheyd ayuu madaxa ku dhaliyay

Leeds United waxa ay ka sheeganayeen dhiibista baasaska saxan inkastoo goolka labaad ee bar bar dhaca ay heleen daqiiqaddii 30-aad ka dib qalad weyn oo uu sameeyay Van Dijk .

Xilli xaalkaas sidaas yahay , waxaa dal daloolo laga dareemayay qadka dhexe Liverppool iyo garabka middig oo shaqadii daafaca ay ka yareyd xilli gool sedexaad oo laad ah uu dhaliyay Salah daqiiqadii 33-aad .

Biloowga qeybta labaad , Leeds United kubad haysashadooda waa ay wacnaayeen waliba mararka qaar waa ka sareeyeen Liverpool balse dhibka haystay waxa uu ahaa in go`aanada qaab deg deg ah u qaadanayeen .

Qeybta labaad , ciyaarta waa ay u furneyd labada koox xilli Leeds United daqiiqaddii 57-aad laga diiday gool sababo la xariira offside ahaan, waxa ayna Liverpool daqiiqadii 58-aad soo giliyeen Firminho oo loo saaray Naby Keita

Leeds , qeybta labaad aad ayay u wacnaayeen waliba fursado waa abuurayeen illaa ay keeneen gool sedexaad ee bar bard haca waxa uun ahaa mid cajiib ah waxaana ka muuqday dal daloolo dhanka daafaca Liverpool xilli kubad hayashada xittaa ay ku sareeysay Leeds United.

Liverpool isku dayo kala duwan ayay sameynayeen marka guud ahaan la eego heer ciyaareedkooda waa u muuqdeen kuwo keenaya gool 4-aad , waxa ayan badlakii labaad sameeyeen daqiiqadii 66-aad waxa ayna ku soo giliyen Curtis Jones oo loo saaray Jordan Henderson

Liverpool ,daqiiqadii 78-aad waxaa laga diiday gool Van Dijk uu dhaliya sababo la xariira in uu qalad ka horeeyay balse guud ahaan dhamaadkii cadaadis ayay sameeynayeen wiilasha Klopp xilli Fabinho daqiiqadii 87-aad uu qasaariyay fursado xaqiiq u dhaweyd.

Cadaadiska Liverpool , waxaa ku yimid qalad lagu galay Fabinho waxaana loo dhigay rigoore uu gool u turjumay Salah daqiiqadii 88-aad , wax aayan ciyaarta ku dhamaatay 4/3 oo ay guusha ku raacday saaxibada Mohamed Salah.