Arsenal Oo Guul Weyn Ku Bilaabatay Premier League +SAWIRRO

1563

Kooxda Arsenal ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee premier League kadib markii ay garaacday kooxda ku soo laabatay premier League ee Fulham.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Fulham si dar-dar leh ku bilaabatay iyada oo 10-kii daqiiqo ee ugu horaysay halis badan galiyay daafaca Arsenal kana cad-cadaa Gunners.

Laakiin wixii intaas ka dambeeyay Arsenal ayaa la wareegtay hogaanka ciyaarta iyaga oo baas ahaan u maamulayay ciyaarta kooxda Fulham-na u diiday in ay sida ay doonayaan u ciyaaraan.

Arsenal ayaa daqiiqadii 8-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Alexandre Lacazette kaas oo kooxdiisa hogaanka ciyaarta u dhiibay.

Kadib goolkaas Arsenal ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo raadinayay sidii ay u dheeraysan lahaayeen goolasha ay dhaliyeen iyaga oo sameeyay fursado cajiib ah.

Dhibaatada ugu weyn ee Fulham haystay qaybtii hore ee ciyaarta aya ahayd in ay ka maqnayd dhamaystirka goolasha marka loo eegay in ay dhawr fursad oo cajiib ah sameeyeen.

Laakiin waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo Arsenal 1/0 ku hogaaminayso waliba soo bandhigeen qaab ciyaareed lagu qanci karo.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Arsenal si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay ciyaarta wakhti hore dilaan ka hor inta uuna xaalku ku xumaan oo ayna Fulham ku soo laaban ciyaarta.

Daqiiqadii 49-aad ayay Guuners dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay daafaca Cusub ee Gabriel kaas oo Akoonkiisa goolasha wakhti horeba furtay.
Daafaca Gabriel ayaa sidoo kale muujiyay tayadiisa dhanka daafaca isaga oo weeraryahanada Fulham ka hor istaagay in ay si dhib yar isaga adeegtaan.

Arsenal oo sii waday dadaalka iyo raadinta goolasha ayaa goobo galisay kooxda ay martida u ahayd ee Fulham kuwaas oo ku dhibaatooday kulanka.

Daqiiqadii 57-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Goolka Pierre-Emerick Aubameyang ayaa gabi ahaan dilay rajo kasta oo ay Fulham ka lahayd in ay ku soo laabato ciyaarta maadama ay Arsenal baas-baas u badashay ciyaarteeda.

Kooxda Arsenal ayaa fursado fiican heshay daqiiqadihii ugu dambeeyay kuwaas oo ay ka dhalin kareen ugu yaraan 2 gool oo kale laakiin umay suurtagalin.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul muhiim ah ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.