Manchester United oo garaacday Tottenham+SAWIRRO

1974

Man united ayaa gaartay guushii shanaad xariir ah ee horyaalka Premier league kaddib markii ay 1-0 uga adkaadeen Tottenham

Guulka qura oo ay ku badisay Red Devils ayaa dhashay qeybta hore cayaarta.

Daqiiqadii ugu dambeeyay kaambiyaha hore gaar ahaa markii dheeshu socotay 44-daqiiqo Marcos Rashford ayaa goolka guusha dhaliyay kaddib caawin uu ka helay Paul Pogba.

Qeybta labaad ee ciyaaerta labada kooxood ayaa sameeyay dhawr isku dayo oo gool loo filan kari inkastoo kooxda guriga aysan u suura galin iney dhaliyaan goolka barbarha.

Xiddiga Hary Kane ayaa fursadii ugu wanaagsaneed u badali waayay gool markii uu kubbada gaari waayay dhammaadka ciyaaera.

Tababare Ole Gunner Solskjaer ayay guushan uga dhigay tahay kulankii lixaad uu guul u horseeday United.