Maraykanka oo Soomaaliya ugu baaqday inay la wareegto masuuliyadda amnigeeda

45

Taliyaha Taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jen. Michael Langley, ayaa ku booriyay dalalka Afrika oo ay Soomaali kamid tahay inay la wareegaan doorka sugidda amnigooda, xilli Mareykanku uu dhimayo deeqaha uu horay u bixin jiray si loo xasiliyo gobolka.

“Waxyaabo aan horey u qaban jirnay, waxaa dhici karta inaan hadda ka dib qaban doonin,” ayuu yiri Langley Khamiistii, isagoo la hadlayay warfidiyeenka banaanka shirkii Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Nairobi.

“Waxaan idinka codsaneynaa inaad tallaabo qaaddaan oo aad mas’uuliyadda nala wadaagtaan.”

Langley wuxuu sheegay in kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab ay isku dayayaan inay ka faa’iideystaan farqiga ka dhashay deeqaha la joojiyay, isagoo sheegay in Alshabaab ay dhisayaan maamulo hoosaadyo meelaha ka baxsan gacanta dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Mareykanku sii wadi doono taageerada sirdoonka iyo dhoolatuska ciidan ee la wadaago, balse taageerada guud ay noqon doonto mid ku saleysan danaha wadajirka ah iyo hoggaan maxalli ah oo ka jawaabi kara caqabadaha gudaha.

Dhanka kale, Shiinaha ayaa kordhinaya saameyntiisa qaaradda, wuxuuna sare u qaaday taageerada uu siiyo dalalka Afrika, oo ay ku jiraan tababarrada ciidamada iyo maalgelin ballaaran oo dhanka amniga ah.