Al-Qaacida oo taageertay guusha Talibaan

1116

Kooxda Al-Qaacida ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay guusha Taalibaan ay dib ugula wareegtay dalka Afghanistan kadib markii ay ka baxeen ciidamada Mareykanka iyo xulufadiisa.

Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa Afghanistan qabsaday 2001, kadib markii Taalibaan ay diiday inay usoo gacan geliso hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Sheekh Osman Bin Laden iyo saraakiishii kale ee ururka ee lagu eedeeyey weeraradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii September 2001.

Qoraal ay baahisay Mu’asasada As-saxaab, oo ah garabka warbaahineed ee Al-Qaacida, ayey kooxda ku bogaadisay wax ay ugu yeertay “furashadii weyneed ee dhowaan ka dhacday” Afghanistan.

“Waxaan munaasabaddan taariikihiga ah ugu hambalyeyneynaa hoggaanka Imaaradda Islaamiga ah, gaar ahaa Haibatullah Akhundzada,” ayaa lagu yiri bayaanka Al-Qaacida. 

“20 sano oo ixtilaal ah kadib ay shacabka Afghanistan iyo mujaahidiintiisa waxay hadda hanteen miraha jihaadkii waqtiga dheeraa ee ay soo galeen,” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Qaacida.

Ururka Al-Qaacida ayaa sidoo kale ugu baaqay muslimiinta caalamka inay garab istaagaan “Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan,” oo ah magaca dowladda Afghanistan ee ay soo dhiseyso Taalibaan, magacaas oo ah kii horey looga yiqiin dowladdii Taalibaan ee dalkaas ka jirta 1996-kii illaa 2001.

Al-Qaacida ayaa sheegtay inay rajeyneyso in guusha Taalibaan ee Afghanistan ay hoggaamin doonto guulo kale oo ka dhaca “dunida la caburiyey.”

Waxay ku baaqay in “jihaadka hubeysan uu sidoo kale cadowga Islaamka ka xoreeyo dalalka Soomaaliya, Falastiin, Magribta Islaamiga ah, Yemen iyo Kashmiir,” sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa xusid mudan in heshiiska ay gaareen Taalibaan iyo Mareykanka ee ay ciidamada ajnabiga dalkaas uga baxeen uu dhigayo in kooxdan aysan ogolaan in Afghanistan ay noqoto meel weeraro argagixiso looga qaado dunida inteeda kale.

Ma cadda sida Taalibaan ay u maareyn doonto xiriirka Al-Qaacida, oo hogaamiyayaasheeda ay ku marti-gelisay Afghanistan.

Si kastaba, Taalibaan ayaa sheegtay inay dooneyso inay dhisto dowlad aqoonsi ka hesha caalamka intiisa kale, taasi oo ka dhiggan inay aad isaga ilaalin doono Al-Qaacida, ugu yaraan si shaacsan.