Marco Giampaolo oo noqday Tababaraha Cusub ee Ac Milan

1782

Kooxda Ac Milan ayaa si Rasmi ah tababareheeda cusub ugu magacawday tababarihii hore ee kooxda Sampdoria ee Marco Giampaolo kaas oo qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah iyo hal sano oo dookh ah.

Tababare Giampaolo ayaa kansalay heshiiskii uu kula jiray kooxda Sampdoria kadib 3 xilli ciyaareed oo uu kooxda Hogaamiyay waxana uu haatan noqday tababaraha cusub ee kooxda Ac Milan.
Advertisement

Tababare Marco Giampaolo ayaa kooxda Ac Milan mushahar uga qaadan doona lacag dhan 2 sano halkii sano.

Giampaolo ayaa noqday tababarihii 60-aad ee hogaamiya kooxda Ac Milan taariikhdeeda isaga oo sidoo kale ah tababarihii 8-aad tan ilaa markii uu Max Allegri ka tagay kooxda 2014.

Tababarahan 51 jirka ah ayaa leh khibrad cajiib ah oo dhanka horyaalka Serie A-da ah isaga oo soo hogaamiyay kooxaha Cagliari, Siena, Catania, Cesena, Brescia, Cremonese, Empoli Iyo Sampdoria.

Tababare Giampaolo ayaa shaqada tababaranimo ee kooxda Ac Milan ka badalay tababare Gennaro Gattuso kaas oo isaga tagay kooxda dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.