Markab dagaal oo Turkiga leeyahay oo maanta imaanaya Muqdisho

105

Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in dekadda magaalada Muqdisho kusoo xirto markab nuuca dagaalka ah oo leedahay dowladda Turkiga, markabkan ayaana qeyb ka noqon doona maraakiibta dagaalka Turkiga ee ilaalin doona xeebaha Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horey u kala saxiixday heshiis ciidamada badda Turkiga ku xaqiijinayaan amniga xeebaha iyo biyaha Soomaaliya, kaddib heshiiskii carada badan abuuray ee Itoobiya la gashay maamulka Somaliland.

Ammaanka dekadda magaalada Muqdisho ayaana maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan la fasaxay shaqaalaha aan muhiimka aheyn ee dekadda ka shaqeeya , si aysan ula socon howlaha markabka iyo dhaq dhaqaaqa halkaasi maanta ka socda.

Madax sare oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta tagaan dekadda Muqdisho, si ay halkaasi ugu soo dhaweeyaan markabka dagaalka iyo ciidamada la socda ee maanta imaanaya Muqdisho.

Markabkaan ayaa la sheegay in uu wado qalab lagu rakibiyo xeebaha dalka oo ilaalada amniga ka qeyb qaata, diyaarado sahan sameeyana, doomo iyo agabyo kale oo muhiim u ah howlgalka Turkiga ee Soomaaliya.

Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa saakay sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana la xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada, gaar ahana kuwa gala dekadda iyo aaga madaxtooyada.