
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa ka qayb galay wadahadal khadka taleefonka ah oo ay wada yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Turkiga iyo Jabuuti, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud iyo horumarrada ka socda Geeska Afrika, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo lagu daabacay barta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar.
Wasiirradu waxay si gaar ah uga wada hadleen arrimo la xiriira aqoonsi ay Israa’iil siisay gobolka Somaliland, tallaabadaas oo ay si buuxda u cambaareeyeen, iyagoo adkeeyay diidmo cad oo mideysan. Bayaan wadajir ah ayay ku muujiyeen taageeradooda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo dhul-dhammaystirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, wasiirradu waxay si cad u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa madax-bannaanida Soomaaliya ama wiiqaysa aasaaska xasilloonida iyo amniga dalka. Waxay carrabka ku adkeeyeen taageerada ay u hayaan hay’adaha sharciga ah ee dowladnimada Soomaaliya, iyagoo diiday isku day kasta oo lagu abuuro ama lagu soo rogo hay’ado is barbar socda oo ka hor imanaya midnimada qaranka Soomaaliyeed.
Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa sidoo kale xusay in aqoonsiga madax-bannaanida qaybo ka mid ah dhulka dalalka kale uu yahay tusaale khatar ah oo halis ku ah nabadda iyo amniga caalamiga ah, isla markaana si toos ah uga hor imanaya mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
“Waxaa la adkeeyay in ixtiraamka midnimada, madax-bannaanida iyo dhul-dhammaystirka dalalku uu yahay tiir aasaasi u ah xasilloonida nidaamka caalamiga ah, isla markaana aan la oggolayn in la wiiqo ama lagu hareer maro marmarsiiyo kasta ha ahaadee,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Wadahadalladu waxay sidoo kale muujiyeen diidmo buuxda oo ka dhan ah isku day kasta oo lagu abuuri karo xaalad cusub ama lagu sameynayo hay’ado is barbar socda oo ka hor imanaya sharciyadda caalamiga ah, isla markaana wiiqaya fursadaha lagu gaari karo amni, xasillooni iyo horumar waara.
Dhanka kale, wasiirradu waxay si wadajir ah u muujiyeen diidmo cad oo ka dhan ah qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiin lagana saarayo dhulkooda, tallaabo ay sheegeen in ay si weyn u diideen inta badan dalalka caalamka, qaab iyo nuxurba.
Bayaanka ayaa ugu dambayn ku baaqay in si buuxda loo dhowro madax-bannaanida Soomaaliya, lana ilaaliyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo iskaashi waara oo ka hanaqaada gobolka Geeska Afrika.




















