Mauricio Pochettino Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Cad-Cad In Uu Shaqada Ka Badalo Unai Emery

1669

Tababarihii hore ee kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa si lama filaan ah ugu cad-cad in uu shaqada Arsenal ka badalo Tababaraha haatan ee Unai Emery.

Laakiin Maamulka Arsenal ayaan ku qanacsanayn in ay Tababarihii hore ee Tottenham ku qancin karaan in uu ku biiro kooxda la xafiiltanta kooxdiisii hore.

Kadib markii ay muddo 2 todobaad ah garab istaageen Tababare Emery Maamulka Arsenal ayaa u muuqda kuwo badalaya go’aankooda sabab la xidhiidha dhibaatada kooxda.

Helitaanka tabaabre Mauricio Pochettino ayaa u muuqata mid badalaysa go’aanka maamulka Arsenal ee ku aadan tababare Emery.

Wargayska The Sun ayaa haatan sheegaya in uu tababaraha reer Argentine ugu cad-cad yahay shaqada kooxda Arsenal inkasta oo ay maamulka Gunners ka cabsi qabaan in uu iska diido.