Maxamed saalax Oo Mar Kale Laga Lelay Corona

2251

Xiddiga reer Masar Maxamed Salah ayaa markii labaad laga helay feyriska Corona.

Mr Saalax oo 28-jir ah ayaa toddobaadkii aanu dhaafnay markii ugu horeysay laga helay feyriska Corona , inkastoo uusan xilligaasi lahayn calaamadaha cudurka.

Ururka ciyaaraha dalka Masar ayaa waxay xaqiijiyeen in Arbacadii mar kale baaritaan lagu sameeyay islamarkana laga helay cudurka.

Arrintani ayaa waxay micnaheedu tahay in Mr Saalax uusan ka qeyb gali doonin labada kulan ee kooxdiisa Liverpool, maadaama ay tahay in mar kale in uu karantiil galo.

Kooxda Liverpool ayaa Axadda marti galin doonta kooxda Leicester, halka 25 November ay la ciyaari doonaan kooxda Atlanta.

Talaadadii, ayuu Salax baraha bulshada soo dhigay farriin ahayd, “Waxan jecelaan lahaa inaan u mahadceliyo qof kasta fariimaha taageerada ah ee aad ii soo dirteen iyo caafimaadka aad ii rajeyseen”.
Waxaan ku raja weenahay in sida ugu dhaqsiyaha badan aan garoonka ugu soo laaban doono” ayuu intaa ku daray.

Kooxda Liverpool wali kama aysan hadal in saalax uu ka qeyb gali doono ciyaarta Axadda iyo in kale.

Ciyaaryahanka Maxamed Saalax ayaa imika ku sugan dalka Masar ee uu ka soo jeedo.

Maxamed Salax ayaa 8 ciyaar u saftay kooxad Liverpool xilli ciyaareedkan, islamarkana waxaa uu udhaliyay 8 gool.

Laacibkan reer Masar ayay si wayn u tebi doonaan taageerayaasha kooxda Liverpool ee uu u ciyaaro.