Maxay Tahay Sababta Ronaldo Uu U Seegayo Kulanka Beri Ee Atalanta ?

1658

Tababaraha kooxda Juventus ee Sarri ayaa shaaca ka qaaday in Ronaldo uu ka maqnaanayo kulanka Juventus ay sabtida la ciyaareyso kooxda Atalanta .

Kulankaas ayaa ka dhacaya garoonka Atalanta waxa uuna ka tirsan yahay wareegga 13-aad ee horyaalka Italy .

Sarri waxa uu sheegay in laacibka uusan diyaar u aheyn kulankaas xilli ay jiraan warar sheegaya in laacibka uu qaboow hayo .

Sidoo kale waxaa lal aleeyahay waxaa sabab ah isaga oo aan shalay ka qeyb galin tababarkii guud ee kulankaas loogu diyaar garoobayay.

Macalkin Sarri waxa uu xusay dhankiisa in laacibka uu dareemayo daal sidaa darteedna uusan diyaar aheyn .

Lama oga in arintaan ay ku lug leedahay qilaafka macalinka iyo laacibka soo kala dhex galay ka dib badel lagu smeeyay laba kullan .

Sidaas oo ay tahay macalinkaas hore Chelsea waxa uu qiray in uu rajeynayo in Ronaldo helaan kulanka Champion-ka ee ay la ciyaarayaan Atletico Madrid

Waxaa xusid mudan in Ronaldo xilli ciyaraeedkaan uu Juve u saftay 14 kulan waxa uu dhaliyay 6 gool halka laba kalana uu ka qeyb qaatay