Maxkamad ku taalla Ingriska oo 19 sano kuxukuntay Wiil Somali ah+SAWIRRO+VIDEO

1710

Maxkamad ku taalla degmadda Grangetown ee Koonfurta caasimadda Gobalka Wales ee dalka Britain ayaa xukun dheer oo xabsi ah ku riday Nin Soomaali ah oo lagu helay inuu dhaawac u geystay Gabar ay saaxiibo ahaayeen.

Axmed Cali oo 34-jir ayaa lagu helay in gabar ay saaxiibo ahaayeen oo lagu magacaabo Oliviya Spinks uu Luqunta iyo Madaxa kaga dhaawacay Kashawiito uu ku weeraray bishii sannadkan bilowgisii.

Muuqaalo ay duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV oo muujinaya iyadoo eedeysanuhu dharaar cad ku eryanayo saaxiibtiisa bartamaha Degmadda Grangetown ayaa maxkamada la horkeenay.

Eedeysanaha iyo Saaxiibtiisa waxaa la sheegay inay xiriir Jaceyl lahaayeen muddo 4-sanno ah, isla markaana ay si wadajir ah u noolaayeen hase ahaatee khilaaf la xiriira dhinaca maseyrka ayaa soo kala dhex galay markii Axmed uu arkay saaxiibtiis oo la taagan nin kale, kaasoo keenay inuu weeraro.

Ninkan ayaa la sheegay inuu isku dayey inuu soo iibsado labo Mindiyaha Jikadaha oo cabirkoodu dhana yahay 12 inch, balse loo diiday in laga iibiyo mindiyahaasi, maadaama uusanwadanin wax Waraaqo Aqoonsi ah, waxaana ugu dambeyn lagu xukumay xabsi gaaraya 19 sano ah.