Messi, Neymar, James,Sterling, Kante, Mbappe & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga

1764

Suuqa kala iibsiga ayaan haatan furnayn iyada oo ayna kooxduhu la soo saxiixan karin wax xiddigo ah oo heshiisyo ku jira.

Laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna jiri doonin waxa kooxaha reer yurub la xidhiidhinaya xiddigaha kala duwan.

Kooxaha ayaa isku diyaarinaya suuqa Janaury ee sanadka cusub oo ay inaga xigaan bilo iayab oo wakhtigaas la saxiixan kara xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalin leh ah idiinku soo gudbin doonta wararka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee ay qoraan wargaysayda.

Maamulka Arsenal ayaa ka wal-walsan in ay xiddigaha waaweyn isaga tagi doonaan kooxda hadii uu Unai Emery sii ahaado tababaraha kooxda (Mail)

Xiddiga Raheem Sterling ayaa sugaya in uu ogaado in Pep Guardiola sii joogo Man City ka hor inta uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda (FourFourTwo).

Tababaraha Kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa wakiilkiisa Jorge Mendes u sheegay in uu la socodsiiyo xaalada daafaca Benfica ee Ruben Dias iyo xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes si uu ula soo saxiixdo (90Min).

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zidane ayaa mar kale qirtay in uu jecelyahay Kylian Mbappe (ESPN).

Xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Chelsea ee N’Golo Kante ayaa xaqiijiyay in uu iska diiday in uu isaga tago kooxda Chelsea inkasta oo uu dalab fiican ka helay PSG (Canal Plus).

Kooxda Juventus ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Tottenham ee Christian Eriksen kaas oo wali ku adkaysanaya in uu isaga tago kooxda (Mail).

Xiddigaha weerarka uga ciyaara Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette ayaa doonaya in ay isaga tagaan kooxda suuqa Xagaaga hadii ay kooxdu ku fashilanto in ay u soo baxdo champions League (Express).

Kooxda Leicester City ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee James Rodriguez (Don Balon).

Kooxda Ac Milan ayaa kooxaha Napoli & Liverpool kula tartamaysa saxiixa xiddiga kooxda Schalke ee Amine Harit marka la gaadho suuqa January (Calciomercato).

Tababaraha Kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa doonaya in uu kooxdiisa keeno Ivan Rakitic si uu ugu buuxiyo booska Christian Eriksen (TeamTalk).

Lionel Messi ayaa lagu soo warmayaa in uu isaga tagi doono kooxda Barcelona 2 sano kadib (France Football).

Sidoo Kale Lionel Messi ayaa maamulka kooxda Barcelona u sheegay in uu Neymar u doonayo in uu noqdo badalkiisa (France Football).

Daafaca kooxda Chelsea ee Andreas Christensen ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolyahay in uu ku biiro kooxda Barcelona (Football Espana).

Kooxda Real Madrid ayaa diyaarinaysa dalab lacageed oo dhan 150 Milyan oo euro oo ay ku dalbanayaan xiddiga kooxda Man City ee Raheem Sterling (Don Balon).

Kooxda Barcelona ayaa indha-indheeyayaal u dirtay xiddiga daafaca dhexe uga ciyaara kooxda Fiorentina ee Nikola Milenkovic (Mundo Deportivo).

Eden Hazard ayaa sheegay in uu isku dayi doono in uu Kylian Mbappe ku qanciyo in uu kula biiro kooxda Real Madrid (Le Parisien).