Mohamed Salah Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Liverpool

1647

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa kooxda Liverpool sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in uu xiddiga Mohamed Salah go’aansaday in uu isaga tago kooxda Liverpool xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Salah maamulka Liverpool u sheegay rabitaankiisa ah in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaaga.

Sidoo kale wargayska ayaa sheegay in uu Mohamed Salah midkood ku biiri doono kooxaha Real Madrid ama Barcelona xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegay in uu sii adkeeyay in ay Kooxda Real Madrid tahay kooxda ugu dhaw saxiixa xiddiga Mohamed Salah iyaga oo u doonaya badalka Kylian Mbappe kaas oo qaali ku noqday Real Madrid.