Mohamed Salah oo hogaaminaya gool dhalinta premier league

1581

Gool dhalinta horyaalka premier league ayaa meel xiiso leh maraya xilli ciyaareedkan iyada oo ay ku tartamayaan xiddigo badan kuwaas oo isku baacsanaya kabta dahabka ah ee horyaalka.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa hogaaminaya gool dhalinta isaga oo kooxdiisa Liverpool u dhaliyay 16 gool kulamada uu ilaa haatan ciyaaray.

Waxa ku xiga xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Diogo Jota kaas oo wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 12 gool horyaalka premier League.

Waxa ku xiga xiddigaha Jamie Vardy Iyo Son Heung-Min kuwaas oo leh min 2 gool kadib qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Waxa ku xiga xiddigaha Cristiano Ronaldo, Emile Smith Rowe,Emmanuel Dennis, Michail Antonio, Raphinha Iyo Sadio Mane kuwaas oo dhamaantood wada le 8 gool.