Moussa Dembele Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa

1702

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Lyon ee Moussa Dembele ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu ku soo biiro kooxda Man United marka la gaadho suuqa January.

23 jirkan ayaa kooxda Lyon kaga biiray kooxda Celtic isaga oo halkaas wacdaro ka dhigaya horyaalka France tan ilaa markii uu ku biiray kooxda.

Xiddigan ayaa 3 sano ku qaatay kooxda Fulham ka hor intii uuna ku biirin kooxda Celtic waxana uu haatan diyaar u yahay in uu ku soo laabto premier League halkii uu sii joogi lahaa Lyon.

Tababaraha man United ee Ole Gunnar Soslkaer aaa raadinaya weeraryahan uu ku xoojiyo kooxdiisa marka la gaadho suuqa January waxana uu bartilmaameed ka dhigtay xiddiga reer France.

Wararka ayaa sheegaya in uu 21 jirku diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Man United qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Dembele ayaa si joogto ah ugu ciyaara kooxdiisa laakiin doonaya in uu ku soo laabto horyaalka premier League.

Xiddiga ayaa lagu soo waramayaa in lagu heli karo lacag dhan 30 milyan oo euro taas oo ah lacag ay Man United bixin karto.