Muhammadu Buhari oo mar kale ku guuleystay Madaxweynenimada Nigeria

1793

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa mar kale loo doortay xilka Madaxweynaha dalkaas, kaddib doorashadii dhacday Sabtidii la soo dhaafay.

Buhari oo ah 76 jir ayaa xisbigiisa guulo ka soo hayay doorashooyinka Gobolada Nigeria, waxaana xisbigiisa APC uu ku guuleystay 19 gobol oo ka mid ah 36 Gobol ee dalkaas.

Hase ahaatee ninka la tartamayay Atiku Abubakar ayaa qaadacay natiijada codka, iyagoo sheegay in doorashadu aheyd is daba marin iyo ku shubasho.

Muhammadu Buhari ayaa sanadkii 2015 ku guuleystay xilka Madaxweynaha Nigeria, xilligaasoo noqday ninkii u horeeyay oo Mucaarad ah oo talada dalka ku guuleysta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha dib loo doortay Buhari, waxaa uu sheegay in Nigeria ay tahay dal isbaheysi xiriir xooggan oo taariikhi ah la leh Soomaaliya, isla markaana ay sii xoojinayaan xiriirkaas.