Muqdisho Nin isagoo hurdaya kasoodhacay dabaqa labaad +SAWIRRO

1509

Wararka naga soo gaaraya degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dhaawac halis ah uu soo gaaray ruux kasoo dhacay dabaq (Dhisme dheer) oo ku yaala agagaarka Hotel Muna.

Ruuxa kasoo dhacay dabaqa labaad qol uu ka deganaa ayaa la sheegay inuu qarwaayay (riyoonayay) markii uu kasoo dhacay qeybta uu ka deganaa dhismaha ku yaala agagaarka Hotel Muna.

Kadib waxaa la sheegay inuu ku dhacay qeybka koowaad ee dhismaha, waxaana soo gaaray dhaawac daran kadib markii ay waxyeelo gaareen qaar kamid ah lafaha qeybta midig ee jirkiisa.

Sidoo kale waxaa la sheegay inay laf Dhabarta waxyeelo ay gaartay, iyadoo markii dambe laga soo saaray dhismaha Koowaad ee uu kusoo dhacay.

Abaaro 03:00 Habenimo ayaa la sheegay inuu falkaan dhacay, waxaana saaka aroortii ruuxaasi u gurmaday waaxda gurmadka deg dega ee gobolka Banaadir, iyadoo baaritaan lagu bilaabay siday wax u dhaceen.
Dhacdadaan ayaa noqoneysa middii labaad oo saacado gudahood ka dhacdo degmooyinka Xamarweyne iyo Xamarjajab, waxaana shalay aad loo hadal hayay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo la sheegay inuu isku daldalay Muqdisho, walow markii dambe warar kale ay soo baxeen.