Olole Mooshin ah oo laga wado Guddoomiye Muudey oo socda

1494

Saacaddihii ugu dambeeyay waxaa xoogeystay ololaha Mooshin laga waddo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ololaha Mooshinka ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay waddaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, oo ku xiran madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilo kalsoonaan karo ayaa sheegaya in guuxa Mooshinka uu soo bilowday tan iyo markii Golaha Shacabka la horkeenay sharciga doorashooyinka dalka ee golaha wasiirada ay soo ansixiyeen, kaasi oo Muudey la sheegay inuu kasoo horjeedo.

Muudey ayaa sharcigan u arko mid si cad u xaqiijinaya in madaxweyne Farmaajo mar kale lasoo doorto, taasi oo sida laga soo xigtay dad ku dhow, uu arko arrin dastuur ku tumasho ah.

Ololaha Mooshinkaan ayaa si xowli ah ku socda, waxaana la sheegay in aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin meelmarintiisa, islamarkaana wali ay socdaan tashiyo ay waddaan xildhibaanada Ololaha Mooshinka wadda iyo Mas’uuliyiin daba ka riixaysa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha mooshinka aysan dooneyn in mooshinka ay horgeeyaan baarlamanka, balse ay rabaan kaliya inay cabsi geliyaan Muudey, si uusan caqabad ugu noqon sharciga meel marintiisa.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa haataan ku maqan dalka Turkiga, iyadoo la rumeysan yahay inuu xilligan awood ku leeyahay Baarlamaanka, waxaana la xusuustaa doorkii uu ku lahaa ridistii Guddoomiye Jawaari.