Muuse Biixi oo kaqayliyay soojeedintii Turkiga ee arrimaha badda

253

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada berbera, ayaa wax aan suuragal ahayn ku tilmaamay in heshiis ay dowlada Soomaaliya gashay laga fuliyo Somaliland.

Muuse Biixi ayaa faragalin ku tilmaamay soojeedintii Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, uu Jimcihii ku sheegay in khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya uu ku dhamaan karo Itoobiya oo arrimaha badda kala hadasha Soomaaliya.

“Shalay waxa caalamka oo dhan kusoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo arrimaha Somaliland soo faragaliyay, oo Berbera soo faragaliyay iyo dekedeeda, oo uu leeyahay Itoobiya Xasan Sheekh ha u soo marto, taasi waa gaf, Somaliland na taa aqbalimayso” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Waxa uu sheegay in anay suuragal noqon doonin marna in Somaliland looga taliyo magaalada Muqdisho “Waa cad ceed galbeed kasoo baxday in Somaliland looga taliyo Xamar” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Kadib khilaaf uu sababay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ee marinka badda, oo 8dii billood ee u danbeeyay ka dhextaagnaa Soomaaliya iyo Itoobiya, Turkiga ayaa ku taliyay in Itoobiya la siiyo marin badeed iyada oo loo marayo Soomaaliya, sidaana khilaafka lagu dhameeyo.

Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa wadahadal uga furmayaa magaalada Ankara maalinta Isniinta, wadahadalan oo uu Turkigu dhexdhexaadiye ka yahay ayaa la sugaya waxa kasoo bixidoona.