Muuse Biixi oo siwayn loogu soo dhoweeyey dalka Guinea +SAWIRRO

1866

Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta gaaray magaalada Conakry oo ah caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika ku yaalla oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si meeqaamkeedu sarreeyo loogu soo dhaweeyey gegida caalamiga ah ee Conakry International Airport waxaana halkaas ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure, waxana madaxweynaha iyo weftigiisu lagaga qaaday dayaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (helicopter) loo yaqaanno, taasoo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah u geysay qasriga Madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinayay, ayaa xarunta qasriga madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Gini lagaga gelbiyey baabuurta loogu talo galay madaxda hab maamuuskoodu sarreeyo, waxana la geeyey Hutolka Kaloum ee bartamaha caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini ee Conakry. Iyadoo berrina si toos loo gudo gelidoono ujeedka safarka iyo kulamadii muhiimka ahaa ee uula yeelanayey madaxda dalkaas.